Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Dufcadii 22 -aad oo ka qalin Jabisay Kuliyadda BBA ee Jaamacadda Bariga Afrika xarunteeda Boosaaso

$
0
0

Boosaaso(Puntland Post)Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 22- ardayda oo dhameeyay semester ki ugu danbeeyay Kulliyada Maamulka iyo Ganacsiga Jaamacada Bariga Afrika xarunteeda Bosaso Ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso.

Xaflada Ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiiro, Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland, Isimo,Nabadoono, Ganacsato, Ururada Maxaliga ah,Board ka Jaamacada, Maamulka sare ee Jaamacada, Macalimiin, ardayda Jaamacada iyo Marti Sharaf kale.
Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Aadam Shiikh-doon Cali oo ka hadlay xaflada , ayaa yiri “waxaan aad ugu mahad calinayaa dhamaan macalimiinta jaamacada gaar ahaan macaliinta kulliyada Maamulka iyo Ganacsiga oo iyagu ardayda ku soo dadaalay hanbalyo ayaan leeyahay ardayda, macaliimnta, walidiinta intuba waxay ku tabcayeen ayeey guul ka gareen

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri Guddoomiyahu“ Xafladan Maaha Xaflad sagootin ee waa Xaflad galbin waxaan idiin galbinaynaa labo arimood oo kala ah in aad bilawdaan Master Of Busines Adminstration (MBA) ee ay Jaamacada dhawaan bilabayso iyo in aad ku biirtaan naadiga ardayda Jaamacada Bariga Afrika, waxaan rajaynayaa in aad ka fogataan tahriibka dalkiinana wax ka qabsataan”

C/nasir Saciid Muuse Hormuud ka Kulliyada Maamulka Ganacsiga ayaa yiri:-“waxaan soo dhawaynayaa dhamaan marti sharafta ka soo qaybgashay xafladan,aradada waan u hanbal-yaynayaa waxaana rajaynayaa in ay wax barashadooda sii wataan iyada oo jaamacadu u keentay ardayda heerka labaad ee Master degree,waxaan ku Jeclahay in aad jaamacada ka bilawdaan Master Of Busines Adminstration (MBA) si aad waxbarashadiina heer uga gaartaan,waxaan ardayda kula dar darmayaa in ay u abaal gudaan walidkii iyo dadki ku soo dadaalay in ay heerkan soo garaan ”.

Maxamuud Qorane guddoomiye ku xigeenka Board ka Jaamacada isaga oo xaflada ka hadlaya ayaa yiri:- “ waxaan aradayda kala qayb qadanaynaa farxada xaflada sagootinta dufcadii 22aad ee Kulliyada Maamulka iyo ganacsiga , jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa asaasay rag akhiyaar ah oo dibadaha ka yimid kuwaas oo doorbiday in ay dadkooda u faa’ideyaan waxa ay soo barteen iyaga oo dibada ka helikaray mushaar ka wanaagsan kan gudaha dalka , idinkana waxaa laydin ka fadhiyaa in aad dadka, dalka iyo diintaba wax u qabataan”

Madaxa Suuq gaynta Shirkada Isgaarsiinta Golis C/rixman C/lahi Dayax ayaa isna ka hadlaya Wuxuuna yiri:- “ waxaa sharaf ii ah in aan ka soo qayb-galo xafladaan ardada lagu sagotinayo Shirkada Golis waxaa laga helaa meelkasta oo waxbarasho lagu hayo, jaamacadu waa jaamacad soo saarta dad aqoonleh taasna tariikh-da ayaa xusidoonta, jaamacada waa hormuud ka jaamacadaha taasna waxa cadayn u ah Imtixanadii caalamiga ahaa ee la galay iyo tartamadi waxaa hormuud u noqday ardayda Jaamacada Bariga Afrika”.

Beel-daaje Cali Farax wuxuu yiri:- “ wadankeenu waa wadan qani ah waxa uu u bahanyahay maadada aad barateen ee ah Maamulka iyo Ganacsiga oo si fican loogu maamulo, waxbarashada waa in aad u barataan in aad wax ugu qabataan dadka, dalka iyo diinta”.

Maxamed Caydiid Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri:- “ waxaan u hanbalyaynaya ardayda jaamacadu sagootinayso , waxaan bogadinayaa jaamacada Bariga Afrika oo soo saartay arday aqoon sare leh oo wax ka badalay suuqyada dalka, waxaan kula talinayaa in ardadu qabtaan shaqo kasta ilaa inta ay ka garayaan shaqada ay doonayaan”

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dawlada Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa ka hadlay isna xaflada , waxa uu yiri:- “waxaan ku farax sanahay in aan ka soo qayg galo xaflada sagootinta ardayda kulliyada Maamulka iyo Ganacsiga ardadaas oo aan inti aan xilka wasiir nimada qaban Hormuud u ahaa, Waxaan rajaynayaa in aad wadanka hormarisaan oo waxbadan u fa’idaysaan ku dhistaan go’amada aad qadanaysaan cilmi baaris oo aysan idinka noqon laab la kac, waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Gaba gabadii ayaa Macaliimnta waxaa lagudoonsiyay hadiyado, sidoo kalena Maamulka Jaamacada iyo Wasiirka ayaa waxaa la gudoon siiyay Bilado Sharaf.
Waxaa Iyana ardadii la sagotinayay la guddoon siiyay shahado Mahadcalin ah shaqada ay qabteen iyo dadaalkooda.
Xaflada ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dawlada Puntland Saalax Xabiib Jaamac waxa ayna ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan.

IMG_9240 IMG_9246 IMG_9248 IMG_9284 IMG_9298 IMG_9304 IMG_9312 IMG_9328 IMG_9334 IMG_9340 IMG_9360 IMG_9361 IMG_9366 IMG_9371 IMG_9389 IMG_9393 IMG_9394 IMG_9402 IMG_9405 IMG_9410 IMG_9416 IMG_9418 IMG_9427 IMG_9437 IMG_9440 IMG_9445 IMG_9449 IMG_9452 IMG_9454 IMG_9456 IMG_9460 IMG_9461 IMG_9462 IMG_9465 IMG_9468 IMG_9470 IMG_9472 IMG_9478 IMG_9481 IMG_9487 IMG_9488 IMG_9489 IMG_9492
Puntland post.com
Xafiiska Boosaaso

The post Dufcadii 22 -aad oo ka qalin Jabisay Kuliyadda BBA ee Jaamacadda Bariga Afrika xarunteeda Boosaaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>