Bosaso-(Puntlandpost)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ayaa gaaray magaalada Bosaso ee xarunta ganacsi Puntland,madaxweynaha waxaa kusoo dhaweeyey bosaso masuuliyiin iyo shacabka magaalada.
Dr Farole intuusan tagin Bosaso wuxuu kusii hakaday magaalooyinka Qardho iyo Carmo oo gobolka Kar kaar ah, waxaana kusoo dhaweeyey qaar kamid ah masuuliyiinta gobolka Kar kaar iyo Shacab.
Waxay shegeen dhamaantood inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu ymi madaxweynihii hore ee Puntland,iyagoo tilmaamay in gobolka uu wax badan ka qabtay mudadii uu madaxweynaha ahaa.
Cabdiraxmaan Farole ayaa isna ugu mahadceliyey soo dhaweynta ay usameeyeen shacab iyo masuul ba,wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo shacabka Qardho, Carmo iyo masuuliyiintooda.
Madaxweynaha ayaa markaas kadib u ambabaxay Bosaso halkaa soo si diiran loogu soo dhaweeyey,Farole waxaa safarkiisa ku weheliya qaar tirsan golihiisi wasiiradda.
Magaalada Bosaso waxaa maanta aaday masuuliyiinta badan, kuwaas oo ay kamid yihiin labadii Ra’iisul wasaare ee hore Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Cali Maxamed Geedi ,Sidoo kale waxaa isna ka qayb gali doona furintaan ka Garoonka iyo sanad guuradii labaad oo ku aadan markii madaxweyne Gaas xilka qabtay Madaxweyne Madoobe.
Sawirro.
Puntlandpost.com.
The post Madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu soo dhaweeyey Bosaso appeared first on Puntland Post.