Cadaado-(Puntlandpsot)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horaysay tan iyo intii uu noqday madaxweyna Jubbaland maanta yimi magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Gal-mudug,waxaa soo dhaweeyey madaxta Gal-mudug iyo shacabka.
Madaxweynaha Gal-mudug oo horkacayey masuuliyiinta soo dhaweysay Axmed Madoobe ayaa garoonka kaga hortagay,waxayna salaan ka qaateen cutub ka tirsan ciidamada booliiska.
Intaas kadib Axmed Madoobe iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa loo kaxeeyey aqalka madaxtooyada Gal-mudug,kaas oo ay kulan kuwada qaateen madaxweyne Cabdixakiin Guuleed ,inkastoo aan wali Warbaahinta lasiin waxyaabihi ay kawada hadleen.
Arimo dhowr ay kamid yihiin xiriirka labada maamul, arrimaha nabadgelyada dib u heshiisiinta, iyo hiigsiga sanadka 2016 ayaa la sheegay inay ka wada hadleen.
Socdaalka Madoobe ayaa kusoo aaday xili dhawaan uu heshiis ku dhexmaray maamulada Puntland iyo Gal-mudug magaalada Gaalkacyo oo uu qayb ka ahaa dadkii dhex dhexaadinayey Axmed Madoobe,iyo iyadoo 10 bishan Kismaayo lagu qabanayo shir looga hadlayo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta.
Maamulka Gal-mudug ayaa isagu kasoo horjeeda in doorashada lagu saleeyo hab deegaan,waxayna Jubbaland doonaysa in nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta ay tahay in deegaan lagu saleeyo.
Axmed Madoobe iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay usoo safraan Puntland,iyagoo ka qayb gali doono Furitanka Garoonka Bosaso iyo sanadguuradii labaad ee dowladda haan jirta.
Sawirro.
Puntlandpsot.com.
The post Axmed Madoobe oo Cadaado kula kulmay Cabdixakiin Guuleed appeared first on Puntland Post.