Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa saaka subaxnimadii hore 06-Jan-16  kasoo amba baxay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaan halkaas oo ay habeenkii xalay ku hoydeen.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntlad Eng.Cabdixakiiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Waftiga Madaxweynaha ayaa intii ay jidka kusoo jireen waxa ay kusoo hakadeen Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar halkaas oo uu kula kulmay Cuqaasha iyo nin-doorka Degmada Waaciye, waxaana uu ka xogwaraystay xaaladda deegaanka isagoona ku adkeeyey in ay u istaagaan sidii looga wada shaqayn lahaa xaaladda nabad gelyada iyo joojinta xaalufka deegaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa sidoo kale waxay kusoo hakadeen Degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaas oo uu Madaxweynuhu Xadhigga kaga jaray Cusbital weyn oo dhowaan laga hirgeliyey halkaas, waxaana uu madaxweynuhu ku ammaanay Dr.Saalax oo ah Aas-aasihii cusbitalka sida muwaadinnimadu kujirto ee uu ugu damqaday dadkiisa isla markaasna ugu hirgeliyey cusbitalka halbowlaha u ah deegaanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa sidoo kale waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey Deegaanka Ceel-daahir ee Gobolka Bari halkaas uu madaxweynuhu dadkii soo dhoweynayey mid-mid u gacan-qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Waftigii ayaa intaasi kadib waxay usoo gudbeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn diirran taas oo aanay u kala hadhin dadweynaha kudhaqan magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa markuu soo gaadhey magaalada Boosaso waxa uu dhagax dhigay buundo weyn taas oo hore u go’day, isla markaasna lagu dhisay Barnaamijka” Puntland Haysku tashato“ oo uu madaxweynaha Dawladda Puntland hore u iclaamiyey, iyadoo dhaqaalaha ay ku kacayso buundadaasina lagu qiyaasay kudhowaad $40,000(Afartan kun oo doolar) waxaana iska kaashanaya Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya ee loo yaqaan SOLAR SYSTEM, kaas oo ay iska kaashanayaa Dawladda Hoose ee Boosaaso iyo Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” waxaana uu ku tilmaamay mid waxweyn ka-beddelidoona dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Boosaaso, isu socodka dadweyna xilliga habeenkii iyo adkaynta nabadgelyada Boosaaso.

Ugu dambayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa  ayaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Magaalada Boosaaso halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaan, iyagoona ay ugu mahad celiyeen dhammaan dadweynaha reer Puntland sida dawlad Jecaylka ah ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay u yimaadeen Magaalada Boosaaso sidii ay si’ dhow ula socon lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dawladdu kawado magaalada Boosaaso , isla markaasina xadhigga looga jarilahaa Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso, iyadoo qalabkii lagu ballaadhin lahaa dekedda boosaasona uu jidka kusoo jiro dhowaana lasugayo in hawshaasi labilaabo.

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.
IMG_2956 IMG_2960 IMG_2964 IMG_2973 IMG_2975 IMG_2983 IMG_2986 IMG_2991 IMG_3000 IMG_3010 IMG_3019 IMG_3023 IMG_3025 IMG_3032 IMG_3050 IMG_3100 IMG_3105 IMG_3116 IMG_3127 IMG_3135 IMG_3140 IMG_3155 IMG_3161 IMG_3162 IMG_3171 IMG_3178 IMG_3188 IMG_3197 IMG_3201 IMG_3207 IMG_3211 IMG_3222 IMG_3226 IMG_3233 IMG_3238 IMG_3242 IMG_3243 IMG_3247 IMG_3251 IMG_3261 IMG_3269 IMG_3280 IMG_3308 IMG_3323 IMG_3327 IMG_3333 IMG_3370 IMG_3376 IMG_3392 IMG_3396 IMG_3423 IMG_3425 IMG_3432 IMG_3442 IMG_3459 IMG_3471 IMG_3483 IMG_3490 IMG_3499 IMG_3515 IMG_3529 IMG_3530 IMG_3591 IMG_3595 IMG_3596 IMG_3607 IMG_3611 IMG_3623 IMG_3667 IMG_3684 IMG_3711 IMG_3726 IMG_3734 IMG_3740 IMG_3789 IMG_3799 IMG_3803 IMG_3806 IMG_3820 IMG_3827 IMG_3872 IMG_3939

The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>