Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Magalada Bosaso oo marti galisay boqalaal qof oo gobalada ka yimi

$
0
0

BosasoBosaso-(Puntlandpost) Labadii maalmood ee lasoo dhaafay magalo madaxda Gobalka Bari ee Bosaso waxaa kusoo qul-qulayey dadwayne isagu jira ragg iyo dumar oo ka kala imaanaya gobaladda Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya kuwaasoo doonaya inay goob joog u noqdaan xaflada lagu daahfurayo wajiga koowaad dhismaha Airport-ka Bosaso.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed,Cali Maxamed Geedi, Siyaasiyiinta Salaad Cali Jeelle, Cabdiraxmaan Baadiyow, wafdiyo ka socda dowladda Federaalka ah, madaxwaynihii hore ee Puntland iyo qurba joog ayaa ku sugan magalada, waxaana tan iyo xalay la dareemayay xadiga dadka imaanaya oo doonaya munaasibadda inaysan goob joog ka noqdaan.

Ammaanka magalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka muhiimka ah la dhigay ciidan iyo gaadiid qalabsan kuwaasoo dusha kala socda dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa galabta inuu soo gaaro Puntland, sidoo kale waxaa la sugayaa wafdiyo ka imaanaya Jubbaland, Galmudug, dowladaha Shiinaha, Imaaraadka iyo Jabbuuti.

Xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha ayaa maalinta berito ah lagu wadaa in la daah-furo, diyaaradii ugu horaysan ayaa kasoo degi doonta taasoo ka socota dalka Shiinaha.

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso

The post Magalada Bosaso oo marti galisay boqalaal qof oo gobalada ka yimi appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>