Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Sareer oo beeniyey in Ciidamada Ethiopia la wareegayaan sugida amniga Shirka Kismaayo lagu qabanayo

$
0
0

Kismaayo-(Puntlandpost)- Afhayeen maamulk Jubbaland Cabdinaasir Seerar Maax oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa beeniyey in Ciidamada Ethiopian ka ah ee Kismaayo la keenay ay u yimaadeen inay la wareegaan sugida amaanka goobta lagu qabanayo shirka looga hadlayo doorashada Soomaaliya oo Kismaayo ka furmi doona.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM,basle aysan u imaan Kismaayo inay la wareegaan Amaanka goobta lagu qabanayo Shirka.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland ayaa ku micneeyay ujeedka Ciidanka Ethiopia u tageen Kismaayo ay tahay iney la dagaalamaan wuxuu ugu yeeray Cadowga uu ku sifeeyay ururka Al-shabaab oo ku sugan qeybo ka tirsan deegaanada Jubbooyinka.

Warbaahinta qaarkeed ayaa dhawaan sheegtay in Ciidamada Ethiopia ay Kismaayo u yimaadeen inay sugaan Amaaanka Shirka Kismaayo lagu qabanayo.

Puntlandpost.com.

The post Sareer oo beeniyey in Ciidamada Ethiopia la wareegayaan sugida amniga Shirka Kismaayo lagu qabanayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>