Khartoum-(Puntlandpost)- Wasiirka arimaha gudaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Odaywaa iyo wafti uu hogaaminayo ayaa tagay magaalada Khartoum ee Caasumadda dalka Sudan.
Waftiga uu hogaaminayey wasiirku waxaa Khartoum kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Sudan iyo Safaarada Somaliya ay ku leedahay Sudan.
Siihaya Safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan Ibraahim Guure Maxamed oo warbaahinta la hadlay sheegay in Wasiirku uu Casuumaad Rasmiya ka helay Jaamacadda Caalamiga ee afrika,islamaraakan intuu Sudan joogo oo la kulmi doono madaxda dalka Sudan oo arimo badan kawada hadli doonaan.
Wasiirka Arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odaywaa ayaa isna sheegay inuu kulamo la qaadan doono madaxda sar sare ee dowladda Sudan oo ay ka wada hadli doonaan iskaashiga labada dal,isagoo sheegay inuu dadkuu la kulmayo uu ku jiro wasiirka arimaha gudaha Sudan.
Waa safarakiisi ugu horeeyey oo uu ku tago dalka Sudan tan markii loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
Sawirro.
Puntlandpost.com.
The post Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Khartoum appeared first on Puntland Post.