Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta lagu xareeyey Jaamacadda Magaalada Kismaayo Odoyaashii soo xuli lahaa ergeyda beelaha ee dooran lahaa Madaxweynaha Maamulka Jubballand State, kuwaas oo %80 la xareeyey sida uu Puntlandpost u sheegey caawa Gudoomiyaha Guddiga Farsamada shirka kismaayo C/qani Axmed jaamac.
Dhegeyso: Waraysiga Puntlandpost ay ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Kismaayo
C/qani waxa uu sheegey in hadda dhismaha maamulka Jubballand uu marayo marxaladihii ugu danbeyey , iyadoo uu xusey in laga soo gudbey wajigii koowaad iyo kii labaad, ayna harsan yihiin oo kaliya wajigii saddexaad oo noqonaya mid lagu dooranayo Madaxweynaha Jubbaland iyo Midkii Afaraad oo lagu dhameystiri doono dhamaan hay,adihii dowlada sida Baarlamanka iyo Xukumada.
Odoyaasha maanta lagu xareeyey xarunta Jaamacada Kismaayo ayaa la filayaa beri galinka danbe inay guddo galaan qeybsiga xubnaha ergooyinka,oo laga doonayo in ay muddo saddex cisho gudahood kusoo xushaan ergeyda u meteli doonta doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo noqoneysa tirada laga rabo 500 oo xubnood balse hadda la doonayo 485 xubnood inay qeybsadaan odoyaasha beeluhu.
Waxaana uu sheegey inay 15 xubnood oo ka mid ah ergeyga 500 boqol ee Madaxweynaha dooraneysa ay iyagu ka guddi ahaan keyd u dhigteen, si ay ugu xaliyaan wixii buuq ama kiis cabasho oo ka yimaada marka odoyaasha beeluhu soo xulaan 485-ta xubnood.
C/qani Axmed waxa uu intaas ku darey horey beeluhu u haysteen sharciga tilmaamaya sida ay wax u qeysanayaan , kuwaas oo ku qeybsan doono Degmooyinka iyo Gobolada ay kasoo jeedaan, islamarkaana beel walba ama cid walba oo deegaanka ah wixii xaq ay u leedahay aysan cidna duudsiin karin.
Guddiga Farsamada ee Shirka Kismaayo ayuu sheegey C/qani in uu yahay Guddi dhex dhexaad ah oo aanan qofna garabsiineyn ,iyadoo sidoo kalena ay jiraan ilaa 7 guddi oo ka shaqeeya arrimaha shirarka iyo dhismaha maamulka Jubbaland.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Kismaayo.