Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faallo:Dib u eegis Balanqaadyadii Turki-ga ee Puntland iyo Eedeynta Madaxweynaha Puntland Turki-ga (Sawiro Xasuus leh)

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ku dhaliiley Dowlada Turki-ga inaysan kasoo bixin balan-qaad Puntland ay la gashey, isagoona sheegey in Turki-gu qorshaha wax-qabad ee Somalia uu ka dhawaajiyey in uu ugu talo galey uu ku koobey oo kaliya Gobolka Banaadir, midaasna ay la micno tahay xiriir gooniya oo u la wadaago Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed oo axadii lasoo dhaafey ka hadlayey furitaanka Idaacad Dowlada Puntland leedahay oo Dowlada Talyaanigu ugu deeqdey ayaa sheegey inuu cadeynayo in turki-gu isku koobey Muqdisho, uuna ku burursan yahay halkaas, ayna uga xumeyn hadii uu wax u qabanayo ,balse Puntland uu la galey balanqaad midkaas oo uusan uga soo bixin sidey ahayd.

Tan iyo Markii Turki-gu gudaha soomaaliya safaradoodu kusoo xoogeysteen waxay socdaalo kala duwan ku gaareen deegaano ay ka mid tahay Puntland , iyagoona sanadkii 2010 ka fuliyey Puntland baaritaano iyo Adeegyo caafimaad islamarkaana ay isu mareen magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland Sida Gaalkacyo, Garoowe Qardho iyo Bosaso.

Dhakhatiir Turki ah oo ku sugan Wasaradda Cafimaadka Puntland

Dhakhatiir Turki ah oo ku sugan Wasaradda Cafimaadka Puntland

2011 September waxay shaaciyeen turkigu inay qaadayaan Arday deeq waxbarasho jaamacadeed ah iyo mid Dugsi sarre leh,iyagoona Xarunta wasaarada Waxbarashada Puntland ku qabtey Itixaano ay ku tartan siinayaan .

Waxaana sida la xasuusto 1 April 2012  Magaalada Garowe yimid Safiirka Turki-ga  ee Somaaliya Kamaludin kani Touran kaaso sheegay in Garoowe ay ka furayaan Xafiis ay safaradda Turki-gu leedahay qaban doontana adeegyada ay ka qabtaan Muqdisho kuwa lamid ah.

Madaxweynaha Madaxweynaha Puntland yo Safiirka Turkiga  oo Garowe ku kulmey

Madaxweynaha Madaxweynaha Puntland yo Safiirka Turkiga oo Garowe ku kulmey

Horantii October ee Sannadkii hore 2012 waxaa Yimid Garoowe Wafdi sare oo Dowladda Turkiga ka socday, kuwaaso socdaal dhulka ah ku maray Magaalooyin badan, balanqaadayna inay wax badan ka qaban doonaan kaabayaasha dhaqaale,balse markii ugu danbeysay oo ay safarkoodu sii dhamaanayey waftigaasi kooxo hubeysan wadada u galeen, dhaawacna ay soo gaarsiiyeen Hogaamiyihii waftiga.

Haddaba dhacdadaas ma noqon karta inay hakad ku keentay Dadalki iyo Balanqadyadii Turkiga?

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo wafti Turki Gaalkacyo kusoo dhaweynaya

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo wafti Turki Gaalkacyo kusoo dhaweynaya

Dad badan ayaa qaba inay sidaas ahayn Balse ay ka badin waayeen Baaxadda iyo Culayska ka haysta Magaalada Muqdisho, iyo Dabcan dano gaar ah oo uu Muqdisho ka leeyahay Turki-gu wakhtigana aysan u muuqan Puntland.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ee ku aadan Dawladda Turkiga ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey Mas,uuliyiinta Xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland oo ka qeyb galey Munaasabadda Furitaanka Idaacadda oo aheyd madasha uu madaxweynuhu ka sheegey dhaleeceynta Turkiga .
Sababtoo ah waxaa jirtey qaar badan oo ka mida wasaaradaha Xukuumadda in uu jahwareer badan ka soo gaadhey balanqaadii mashaariicda Turkiga,Sida deeqihii waxbarashada oo tiro badan oo ka mida tiradii uu sheegey Turkigu in uu siiyey Puntland la waayey,midaas oo badalkeeda lagu canbaareeyey mas,uuliyiinta waxbarashada in ay wax is daba mariyeen, balse dhabtu ahayd deeqdii oo sidii loogu talo galey aan Puntland loo soo gaarsiin.

Madaxweynaha Puntland oo saraakiil Turki ah Qardho kula kulmey Sanadkii horre

Madaxweynaha Puntland oo saraakiil Turki ah Qardho kula kulmey Sanadkii horre

Dhanka kalana arintani waxey macno gaar ah u sameyneysaa dawladda Talyaaniga oo siyaasad ahaan ay uga dhigantey in saameynta balaadhan ee Turkigu ku yeeshey arimaha Soomaaliya uu Talyaanigu kula loolami karo waqtigan Soomaaliya qeyb badan oo ay ka mid tahay Puntland.

Marka dhanka Turki-ga la eegana waxay tallaabadani ku tahay bar canbaara oo gacan siineysa dhaliilaha Caalamiga ah ee lagu dhaleeceeyo qorshaha Turkigu albaabada ugu furey nidaam cusub oo si weyn uga badalan kii Caalamku kula macaamili jirey gargaarka la siiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhakhaatiir Turki ah Gacan qaadaya

Madaxweynaha oo dhakhaatiir Turki ah Gacan qaadaya

Turki-ga ayaa mararka qaar waxaa lagu dhaleeceyn jirey in qorshihiisa Somalia uu kaga howl galayo in uu ka muuqdo laab la kac badan oo aanan ku dhisneyn talaabooyin laga fiirsadey, xumaana kala dhex dhigi karra Ummada Somaliyed.

Fariinta Puntland haddii la sii nidaamiyo oo la waafajiyo Afka ay kuwada hadlaan Dawladduhu ee hannaanka Dublamaasiyadda, waxaan shaki ku jirin in ay tallaabadani xasuusin doonto Dawladda Turkiga waxey hore u sheegeen iyo sidoo kale ay ka dheehan karaan dhaliilaha hawlgalkooda Soomaaliya, balse ay ku xirnaan doonto fariintu sida ay u gaarto dowlada Turki-ga.

Dhanka Puntland marka la eegano waxaa hor yaalla in ay isticmaalaan jidka Dublamaasiyadda oo macno u yeeli kara cabashadooda balse hadii arrinku noqdo Madaxweynaha uun ayaa sidaas yiri meel ma gaareyso cabashada shacabka Puntland.

Shacabka Puntland oo raja badan u qabay Taageerada Turkiga

Marka laga yimaado intaasi ayaa waxaa xusid mudan dareenka shacabka Puntland wax weyn ayaa iska bedeli doona ee ku aadan rajadii hore ugu qabeen Turki-gu in uu ahaanayo mid dhex dhexaad ka ah arrimaha Somalia, waxayna noqon doontaa in shacab badan ay kalsoonidii u hayeen Turkey la noqdaan.

Xigasho: Raadraacnews

Daabacaada: Puntlandpost.com

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>