Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Warbixin+Sawirro+Cod: Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Boosaaso oo Maanta xarigga laga jaray

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xamed Cali Xaashi ayaa maanta 08-Jan-2016 Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradah ee Boosaaso kaga qayb galay munaasibad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka Garoonka Diyaaradaha oo maanta xadhigga laga jaray.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Maxamuud, Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubnaha labada gole ee Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, Siyaasiyiin Saraakiil ciidan iyo Isimo soomaaliyeed uu kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Dhammaan kasoo qayb galayaashii munaasabadda ayaa dawladda Puntland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashariicdan uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Boosaaso taasoo markhaati u noqon doonta In Puntland ay diyaar u tahay inay ula tartanto waddamada hore u maray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qayb galayaasha munaasabadda gaar ahaan Madaxda Dawladda Federaalka iyo Safiirada waddamada Talyaaniga iyo Shiinaha oo la aantood aanu hirgaleen mashruucaasi iyo shirkaddi dhistay garoonka diyaaradaha ee CCECC oo si hagar la’aan ah hawshii loo igmaday u fulisey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Garoonkan ku tilmaamay mid guul u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed isla markaasna ay Reer  Puntland uga kaaftoomi doonaan caqabado badan oo kahaystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee  ay laleedahay waddamada dibbadda gaar ahaan waddama Carabta iyo Africa  oo Punland uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah iyo waddamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala  nool yihiin dadka reer Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in markab kii sidey qalbkii lagu ballaarin lahaa Dekedda Boosaaso uu todobaadkan gudihiisa imaan doono taasin ay xaqiijinayso sida uu u dhaboobey ballanqaadkii dawladdiisa ee salka ku hayey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa geestiisa u hambalyeeyey Shacabka reer Puntland Horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen isagoona mashruucan ku tilmaamay guul usoo hoyatey guud ahaan shacabka soomaaliyee.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa sidoo kale Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali sida uu xoogga u saarayo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland waxaana uu intaasi raaciyey in dawladda Federaalka Soomaliya ay garab taagan tahay Puntland isla markaasna uu rajaynayo inay kaqayb qaataan wejiga labaad ee Garoonka.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Labada Safiir ee Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa si wada jir ah xarigga uga jaray garoonka.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

IMG_5708 IMG_5715 IMG_5719 IMG_5727 IMG_5734 IMG_5745 IMG_5771 IMG_5779 IMG_5795 IMG_5825 IMG_5826 IMG_5831 IMG_5849 IMG_5857 IMG_5886 IMG_5903 IMG_5904 IMG_5905 IMG_5907 IMG_5911 IMG_5912 IMG_5919 IMG_5931 IMG_5949 IMG_5950 IMG_5952 IMG_5955 IMG_5960 IMG_5962 IMG_5974 IMG_5977 IMG_5990 IMG_6006 IMG_6014 IMG_6024 IMG_6047 IMG_6052 IMG_6058 IMG_6096 IMG_6109 IMG_6114 IMG_6133 IMG_6140 IMG_6143 IMG_6147 IMG_6148 IMG_6169 IMG_6171 IMG_6188 IMG_6217 IMG_6221 IMG_6225 IMG_6239 IMG_6266 IMG_6271 IMG_6272 IMG_6276 IMG_6295 IMG_6321 IMG_6333 IMG_6350 IMG_6397 IMG_6435 IMG_6451 IMG_6469 IMG_6473 IMG_6510 IMG_6532 IMG_6545 IMG_6550 IMG_6551 IMG_6556 IMG_6566 IMG_6580 IMG_6595 IMG_6606 IMG_6622 IMG_6642 IMG_6656 IMG_6660 IMG_6661 IMG_6667 IMG_6672 IMG_6699 IMG_6703 IMG_6708 IMG_6718

The post Warbixin+Sawirro+Cod: Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Boosaaso oo Maanta xarigga laga jaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>