Bosaso(Puntlandpost)- Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed iyo labadda Safiir ee dalalka Talyaaniga iyo Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Munaasibad saacado badan oo galinkii hore qaadatay ayaa lagu qabtay hoolka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, halkaasoo oo ay ku sugnaayaan boqalaal dadwayne oo isagu jiray ragg iyo dumar.
Madaxda dhaqanka, siyaasiyiin, safiiradda Talyaaniga, Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya ayaa khudbada kasoo jeediyay inta ay munaasibadu socotay kuwaasoo tilmamay inay ku faraxsan yihiin wajiga koowaad ee garoonka diyaaradaha magalada Bosaso lasoo afmeeray, waxa kale ay tilmaameen inay qayb ka tahay horumarka wadanka ka socda.
Wasiirka duulista hawadda Puntland Xasan Cadde ayaa soo jeediyay war bixin ka hadlaysa dhismaha garoonka iyo cida ka qayb qaadatay, wuxuna wasiirku ku tilmaamay horumar la gaaray.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka hadlay dhismaha garoonka, wuxuuna sheegay Dr.Gaas maanta inay shacabka iyo dowladda Puntland u tahay meelin taariikhi ah.
Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka qayb qaadatay dhismaha garoonkan, waxa kale uu ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqday dhaqaalaha ku baxay wajiga koowaad ee garoonka, waxaana dhistay shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha oo la yiraahdo CCECC.
Garoonkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid loo dhisay heer caalami ayna kasoo dagi karaan diyaaradaha caalamiga ah, waxaana shalay kusoo degatay diyaaradii ugu horaysan oo heer caalami ah.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Airport-ka Bosaso oo si toos ah xarriga looga jaray iyo madaxda oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.