Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

10 Ruux oo Dhadhaab ugu dhintay Shuban biyood

$
0
0

Nairobi(Puntlandpost)-Xerada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya waxaa ka dilaacay Cudurka shuban biyoodka,10 Ruux ayaa u dhintay,dad gaaraya boqolaal qof ayaa la sheegay in la geeyay Isbitaalka.

Bishii Nevembar ee sanadkii tagay ayuu Cudurka ka dilaacay Dhadhaab,Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamy Cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay Dhadhaab Masiibo,wuuxuna ku faafay sida la sheegay gobolada kale ee Kenya.

Shaqalaaha Caafimaadka Kenya ayaa ku howlan sidii ay uga hortagi lahaayeen faafidiisa,waxayna walaac ka muujiyeen inay awood u yeelan waayaan.iyagoo xusay inay jiraan Kiisas cusub oo laga helay dhulka ka baxsan Dhadhaab.

Sarkaal ka tisarn Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ayaa sheegay in Dhadhaab ay ku jiraan dad gaaraya 350,000 oo qof, wuxuuna carabaabay in UNHCR ay gacan ka siinayso shaqaalaha Caafimaadka sidii ay ujoojin lahaayeen Cudurka.

Puntlandpost.com.

The post 10 Ruux oo Dhadhaab ugu dhintay Shuban biyood appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>