Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha DFS oo dib ugu laabtay magalada Muqdisho

$
0
0

IMG_1127Bosaso-(Puntlandpost) Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magalada Muqdisho, ka dib safar gaaban oo uu ku yimi magalada Bosaso.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa inta uu ku sugnaa magalada Bosaso waxa uu ka qayb galay xaflada furitaanka Airport-ka Bosaso, xafladda labo sano guuradda xukumadda Gaas sidoo kale waxa uu saaka inta uusan ka dhoofan magalada tagay Jaamacadda Bariga Africa, halkaasoo uu ka jeediyay khudbad xagga waxbarashada iyo mustaqbalka dhalinyaradda ku wajahan.

Madaxwaynaha Dalka waxa uu Puntland ku tilmaamay hooyadda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ammaanay dadaalada horumarka ee magaalooyinka ka socda, furitaanka garoonka diyaaradaha ayuu ku tilmaamay inuu hordhac u yahay horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com

The post Madaxwaynaha DFS oo dib ugu laabtay magalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>