Garowe-(Puntlandpost)-Gudoomiyaha degmada Godob-jiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa ka warbixiiyey mashaariic dhowr ah oo laga fulinayo degmada.
Yuusuf ayaa sheegey in la dhagax dhigey Machad lagu baranayo cilmiga diiniga oo loogu magac darey Islaam maxamed Islaam ciise ,sidoo kale waxuu tilmaamay in lawado mashariic ay ka mid yihiin saladhig Degmada ,iyo dhismaha Maxkamada darajada 1-aad ee degmada Godob-jiraan ,waxaana mashaariicdaasi dhismahood iska kaa shanaya shacabka degmada iyo jaaliyada reer Godob-jiraaan, marka laga reebo dhismaha xabsiga oo ay maal galineyso Hay’ada DDG .
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa carabaaby in Maanta uu bilowday imtxaanaaadka dugsiyada hoose Dhaxe oo u fariisteen ardey gareysa 800, iyo imtixaanka dugsiga sar ee Godob secondary high school oo ay galiyaan 10 ardey, kuwasoo naqanaya ardeydii ugu horeysey ee dugsiga sre ah oo u fariisaneysa imtixaanka Sanadka barkiis ama Teramka.
Yuusuf Maxamed Faarax Gudoomiyaha Godob jiraan ayaa intii uu xilka hayey degmada ka sameeyey hormaro dhanka wax barashada,amaanka iyo bilicda degmada,waana markii ugu horeysey oo mashaariic noocan oo kala ah laga fuliyo Godob-jiraaan tan iyo intii loo aqoonsadey degmo sanadii 2007.
Dhawaan ayaana la filiyaa in degmadu ay yeelato gudoomiye rasmi ah, maadama uu Gudoomiyha haatan xilka haya uu yahey sii haye, malaha degmadu gole deegaan.
Sawirro.






Puntlandpost.com.
The post Degmada Godob jiiraan oo markale laga fuliyey Mashaariic hormarineed appeared first on Puntland Post.