Muqdisho: (pp)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saleh Alnadif ayaa dhaleeceeyey dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka howlgeli jiray Idaacada Radio Muqdisho.
Wariyahan, ayaa la dilay waqti uu kasoo laabtay shaqada Idaacada , isagoo usoo socday guriga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.
Wakiilka gaarha ah ee midowga Afrika ayaa u tacsiyeeyey qoyskii uu ka geeriyooday Wariyuhu , isagoo dhanka kale sheegay in Wariyaha la dilay uu yahay kii 4-aad ee la dilo sanadkan 2013-ka.
Sanadkii hore ee 2012-ka ayaa tirada Wariyeyaasha la dilayay tiro ahaan ay gaarayeen 18 wariye, iyadoo aan loo qaban wax dad ah oo danbiyadaas Lug ku lahaa.
Dhanka kale AMISOM ayaa sheegtay in saxaafadu ay qayb muhim ah ka qaadato Dimoqraadiyada , loona baahan yahay in la ilaaliyo. Waxayna AMISOM ugu baaqday dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adaha nabadgelyada inay ka taageerayaan ka hortaga weerarada lala beegsanayo Wariyyeyaasha.
Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya