Ankara : (pp)- Wadanka Turki-ga Magaalo Madaxdiisa Ankara ayaa waxaa lagu qabtey Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen Ardey kala mataleysay Wadamo badan oo adduunka ka tirsan , kuwaas oo kusoo bandhigay cayaaro kala duwan oo la xiriira hidaha iyo dhaqanka qolo waliba wadankeedu leeyahay.
Bandhigan waxaa si wada jir ah usoo qaban qaabiyey Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Turki-ga, waxaana ujeedkiisu ahaa is dhex-galka iyo barashada dhaqamada kala duwan , sidoo kalena looga gol lahaa qabashada bandhigan sidii dadka Turki-ga loo gaarsiin lahaa dhaqamada kala gedisan ee dunida ka jirra.
Muddo Saddex cisho ayay socotey cayaaraha dhaqanka ee Turki-ga lagu qabtey , waxaana Somalida Turki-ga ku nool uga qeyb galey ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Wadanka, Kuwaas oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka Somalida, islamarkaana goobta kusoo bandhigey ciyaar aad u sareysa oo ay la maqsuudeen dadkii kasoo qeyb galey.
Wadamada ka qeyb galayey bandhigan intii uu socdey ayaa waxay kala ahaayeen, Libiya, Sudan, Muritaniya, Soomaaliya,Afganistan, Kazakhstan Iyo Indonesia kuwaas oo qolo waliba goobta bandhiga cayaareedka lagu qabanayey kusoo bandhigtey cayaaro dhaqan.
Kulan dhaqameedkan ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qabto Wadanka Turki-ga ,Waana sanadkii labaad ee ay ka qeyb galaan Somalida ku nool Dalka Turki-ga, Waxaana soo xirey gabo gabadiisii saraakiil ka tirsan wasaaradaha soo qaban qaabiyey ee kala ah Waxbarashada iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha.
Qoraalka iyo Sawiradiisa Puntlandpost waxaa soo gaarsiiyey
Abdulkadir A. Warsame
oo ka mid ah Ardeyda Somalida ee Turki-ga.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com