Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faroole: ”Cabdiweli iyo xukuumaddiisu shacabka Puntland uguma wakiil ahan 4.5”

$
0
0

Boosaaso (Puntland Post) — Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan nidaamka 4.5 iyo aragtida Puntland ka qabto.

Faroole waxa uu tilmaamay xilligii uu madaxweynaha ahaa in ay xoogga saareen sidii looga bixi lahaa nidaamka qabiilka uuna qayb ka ahaa madaxdii waqtigaas saxiixa ku gaartay, waxa kale oo uu sheegay Puntland haddii aysan jirteen in aan la heleen meel shir Soomaaliyeed lagu qaban lahaa.

Khudbaddiisa ayuu kaga hadlay dadaalkii ay galeen sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabiilka oo uu sheegay in aysan hadda suurtogal ahayn in lagu laabto, madaxwaynaha Soomaaliya ayuu sheegay in ay waajib ku tahay in uusan qaadan nidaamka 4.5 oo lagu dhaqmo wixii horay lagu wada heshiiyey.

Cabdiraxmaan Faroole waxa kale oo uu tilmaamay in aysan Gaas iyo xukumaddiisu metelin shacbaka haddii ay qaataan nidaamka 4.5, qodobkaasna waxa uu noqday midka ugu hadal-haynta badan dalka Soomaaliya.

Cali Cabdi Ducaale, Puntland Post

The post Faroole: ”Cabdiweli iyo xukuumaddiisu shacabka Puntland uguma wakiil ahan 4.5” appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles