Muqdisho(Puntland Post)- Waxaa dib u dhacay Shirkii wada tashiga ee looga hadlayo doorasada oo maanta la filayey inuu ka furmayo magaalada Kismaayo. Waxaana uu furmi doona berri oo bishu tahay 11 Janaayo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.
Puntlandpost.com.
The post Berri oo la filayo inuu shirka wada tashiga ka fumo Kismaayo appeared first on Puntland Post.