Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubba-land, Madaxweyne ku-xigeenka xubnaha labada gole ee Wasiirada iyo xildhibaanada iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dawladda Jubba-land ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaarada ee Magaalada Kismaayo uga mahadceliyey madaxweynaha Jubba-land iyo shacabkiisa sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada kismaayo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka socdaal kiisu uu la xiriiro shirkii loo balan sanaa ee Wadatashiga Hannaanka Doorashada 2016ka, Waxa uuna Madaxweynuhu rajo wanaagsan ka muujiyay qodobo danta Soomaaliyeed ku jirto in ay ka soo bixi doonaan shirka beri furmi doona.
Wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa la filayaa inta ay joogaan magaalada Kismaayo in ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ka qeyb galaya shirka.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND
The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Waftigii uu hoggaaminayey oo siweyn loogu soo dhoweeyey Kismaay appeared first on Puntland Post.