Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaaran uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Kismaayo

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaan uu hoggaaminayo ayaa maanta 10-Jan-16 ka amba baxay magaalada Boosaaso ee xarunt Gobolka Bari iyagoo kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubba-land.

Waftiga Madaxweynaha oo isugu jira golayaasha Dawladda Puntland iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa magaala Kismaayo u aadey kaqayb galka shirka lagu go’aaminayo habka ay noqon doonaan  Doorashooyinka lafiyo dalka inay kaqabsoomaan sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qolka nasashada ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay Madasha shirka la tegi doonaan aragtidii shacabka Puntland ee ay hore u geeyeen madalihii looga hadlayey Mustaqbalka Soomaaliya iyo Hannaanka doorashooyin oo dabayaaqadii sannadkii tegey lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Aragtigaas oo ahay in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacab oo dhab ah isla markaasna leh la-xisaabtan dhab ah si loogu adeego shacabka, taas oo haddii ay suura gasho noqon karta mid meesha ka-saarta is qab-qabsigii ragaadiyey dawladihii dalka u kala dambeeyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND
IMG_8051 IMG_8059 IMG_8061 IMG_8062 IMG_8063 IMG_8066 IMG_8070 IMG_8072 IMG_8074IMG_8079 IMG_8103 IMG_8118 IMG_8120 IMG_8124 IMG_8134 IMG_8175 IMG_8178

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaaran uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>