Garowe-(Puntlandpost)- Madaxweynaha maamulka laga dhisay gobolka Bakool ee la magac baxay Bakool Sare Axme Maxamed Mashruuc ayaa sheegay inuusan wada hadal lagalayn Koonfur Galbeed.
Mashruuc ayaa xusay in wada hadal labo maamul oo kawada hadlaya xiriirka iyo daris wanaaga uu la gali karo Koonfur galbeed, balse uusan marna ula hadlayn inay dib ula midoobaan.
Waxaa uu sheegay in dadka dega deegaanada uu maamulka cusub ka jiro inay kasoo gud been xiligii ay Koonfur galbeed kala hadli lahaayeen danahooda, hadase iyagu ay masiirkooda ka tashteen.
Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa horay u sheegay inuu wada hadal la furitoona maamulka ka dhinac samaysmay ee Bakool sare.
Odayaal ka tirsan Bakool ayaa la sheegay in Madaxweyne Shariif uu kula kulmay Muqdisho,isagoo kala hadlay sidii looga wada hadli lahaa khilaafka jira.
Madaxweynaha maamulka la magac baxay Bakool sare ayaa midaa beeniyey sheegayna inaysan jirin Odayaal matalaya maamulkooda oo wada hadal Muqdisho kula qaatay Shariifka.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.
The post Madaxweyne Bakool sare oo sheegay inusan wada hadal laga layn Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.