Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Xasan Shiikh oo Maanta kusoo wajahan Kismaayo

$
0
0

Kismaaypo(-Puntlandpost)-Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo oo uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa maanta imaanaya Kismaayo.

Madaxweynaah Dowladda Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa furidoona madasha wada tashiga ee shirka doorashada sanadkan oo Kismaayo lagu qabanayo.

Kismaayo waxaa kusugan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid,madaxda maamul goboleedyada Urur goboleedka  iyo xubno ka socda beesha Caalamka ,kuwaas oo dhamaantood u tagay ka qayb galka Shirka.

Waxaa la adkeeyey amaanka magaalada ciidamada Jubbaland ayaa maraya wadooyinka,goobtu uu ka dhacayo shirku ayey ciidamadu joogaan wadooyinka soo gala.

Shirka ayaan la ogayn inuu maanta furmayo iyo in kale,balse warar hoose ayaa sheegaya in Shirku uu furmayo bari oo bishu tahay 12 January,waxaana la filayaa in Xasan Shiikh iyo waftiguu hogaaminayo yimaadaan galabta.

Puntlandpost.com.

The post Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Xasan Shiikh oo Maanta kusoo wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>