Boosaaso (Puntland Post) — Siyaasiyiintaan oo uu horkacaayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Cabdiweli Sh. Axmed, qaybna ay ka ahaayeen Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, Xildhidhibaan Cabdi Barre iyo Prof. Cali Xareed, wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Muqdishoku leedahay magaalada Booosaaso.
Ujeedka booqashada siyaasiyiinta ayaa ahayd wacyigalin siyaasadeed iyo in ay fahmaan dhallinyaradu meesha ay maanta ka marayaan ka-warhaynta siyaasadda dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soomartay.
Ugu horreyn booqashadoda waxa ay la kulmeen maamulka Iyo macalimiinta jaamacadda, waxana ay ka dhegeysteen warbixino laxiriira jaamacadda iyo qaabka ay bulshada ugu adeegto.
Ku simaha guddoomiyaha jaamacadda, qaybteeda Boosaaso, Mustafe Sh. Bashiir oo ugu horreyn daah-furay kulanka ay siyaasiyiintu la qaateen ardeyda, iyo aqoonyahanno kale oo lagu casumay, ayaa ku soo dhoweeyey madaxda soo booqatay jaamacadda, waxaana uu uga mahaceliyay booqashadooda.
Siyaasi Cabdiraxmaan “Baadiyow” Macallin-Cabdullaahi oo ka mid ah madaxda Jaamacadda Muqdisho ayaa dhankiisa hadal kooban ka jeediyey madasha, sheegayna in shacabka Soomaaliyeeed ay guulo badan soo hoyeen, balse waxa uu xusay in lagu fashilmay siyaadda taas oo uu ku eedeeyay madaxda sare ee dalka, waxaana uu intaas ku daray in hadda la joogo xilligii la isugu tegi lahaa sidii loo sixi lahaa xukunka iyo talada dalka.
Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay aradeyda in looga baahan yahay in aysan ka indho qarsan xaaladda dalku ku sugan yahay, loogana baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan sidii looga saari laahaa marxaladda hadda uu ku jiro.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomali Dr- Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbada uu ujeediyay aradayda uga Mahaceliyay iyaga iyo Maamulkooduba sida ay ugu soodhaweeyeen xarunta Jaamacada Muqdisho faraceeda Boosaaso ,waxaana intaasi uu ku daray in farxad gaar ah u tahy in uu lakulmo dhaliyaro hiigsanaysa mustaqbal fiican
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka soomalia ayaa sidoo kale u sheegay aradayada in uu waajib ka saaran yahay dalkooda hooyo , waxaa ku booriyay in ay ka digtoonaadaa qatarta tahriibta ,ayana aaminaaan dulkooda hooyo
Dr- Cabdiwali Shiikh ayaa ayaa gabagaba khubadiisa uga hadalay xaalada siyaasadeed ee dalka haatan maraayo ,marxaladihii uu soomaray , waxaana uu ardayda ku booriyay in door ka qaataan sidii dalka looga saari lahaa marxalada xiligaan uu kujiro
Ardaydu Wax kabarta Jaamacada Muqdisho ayaaa waydiiyey siyaasiyiinta uu hugaaminaayay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomali Dr- Cabdi Wali sheekh su’ aalihii ka guuxayay maskaxdooda kuwaasi oo ay uga jawaabeen
sikastabada ha ahaatee booqashadan ay maanta ku tageen siyaasiyiinta Jaamacada Muqdisho ayaa qaybg ka ah kulamo kaladuwan oo bulshada ay kulaqaadaneeyeen magaalada Boosaaso oo maalmihii lasoodhaafay ay ku sugnaayeen
Xa
Puntlandpost.com
Xafiiska Booosaso
The post Siyaasiyiin booqday Jaamacadda Muqdisho, laanteeda Boosaaso appeared first on Puntland Post.