Garowe-(Puntlandpost)-Allaha ha unaxariiste waxaa dalka Imaaraadka Carabta ku geeyooday Abwaankii weyna ee Cali Sugule oo Sugaanta Soomaalida taariikh weyn ku lahaa.
Abwaanka ayaa ku xanuunsana waaydan dalka Imaaraadka Carabta,isagoo halka ku geeryooday,madaxweynaha dowladda fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeyeey geerida Abwaanka,waxaa uuna ku tilmaamay Abwaan magac kulaha dhulka .Soomaalida kana mid ahaa dadkii usoo hal galmay dalka.
RW Cumar iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa iyaguna u tacsiyeeyey ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Abwaanku.
Abwaan Cali Sugule waxaa lagu xusuustaa gabayo iyo heeso wadani ah oo uu kaga hadlayey xaaladii markaas ay joogtay Soomaaliya, waxaa kamid ah heesaha wadani ga ahaa “Dab iyo dhagax, layskuma dhuftee, ka la dhowra”“Nin lagu seexdow ha seexan”“Af qalaad aqoontu miyaa?”“Waa’ baa beryay, bilicsan; arooryo baxsan, maalin boqran! iyo kuwo kale.
Allaha ha unaxaristee Abwaan Cali Sugule ayaa la sheegaa inuu sugaanta ka dhaxlay aabihii Sugule oo isna ahaa Sugaanyahay ka gabyi jiray dhulka Soomaalida.
Waxaa la sheega in Sugule erayga Copy uu ku daray dictionary-ga Engiriisk,iyadoo aan la aqoon wax la yiraahdo Copy,gabayada uu tiriyey waxaan kasoo qaadan karnaa gabay uu tiriyey mar ay qabteen ingiriisku.
Ma ninkaygan ciirciirayaa ciise lagu sheegay”
* Comaadayaal duulayuu cada la boobaaye
*Carow shabeel iyo libaax cayta ka idleeye
*carowrinka qudhaatuu tagaa tan iyo ceeldhaabe.
Abwaan Cali Sugule ayaa ku dhashay magaalda Oodweyne ee gobolka Togdheere Soomaaliland sanadku marku ahaa 1936.
The post Abwaan Cali Sugule oo geeryooday iyo Madaxda dalka oo tacsi ka dirtay appeared first on Puntland Post.