Muqdisho-(Puntland Post)-Gudoomiye ku xigeenka ee labaad ee baarlamaanka dowladda fadaraalka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ka hadlay e dayn dhawaan Gal-mudugu usoo jeedisay gudoomiyaha baarlamaanka iyo wafti la socday oo tagay Dhuusa mareeb.
Eedaynta ayey Gal-mudug ku sheegtay in baarlamaanku uu carqaladaynayo wada hadal ay shegeen in la leeyihiin maamulka Ahlusunna, iyagoo camabaareeyey booqashada Jawaari iyo xubnaha la socday ee tagay Dhuusamareeb.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowaldda fadaraalka Mahad Cabdala ayaa sheegay in gudoomiyaha iyo xildhibaanadii dhawaan tagay Dhuusamareeb aysan carqaladaynayn wada hadalka Gal-mudug iyo Alhusuna, islamarkaana ay utageen shacabka ay matalaan.
Gal-mudug ayaa horay u sheegtay in heshiis ay cadaado kula galeen Ahlusuna, wuxuuse Cawad sheegay inusan haatan garanayn wada hadalka labaad ee Cabdixakiin Guuleed uu sheegayo,isagoo tilmaamay in iyagu dhaleen Gal-mudug,gacantooda ku xiran tahay inay xilka ka qaadaan.
Dhawaan waxaa tagay Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud gudoomiyaha baarlamaanka dowladda fadaraalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaano la socday kuwaas oo la kulmay madaxweynaha Ahlusuna SHiikh SHaakir.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com
The post Cawad oo ka hadlay eedayntii Gal-mudug appeared first on Puntland Post.