Maqaal:- Waxaan akhristayaasha sharafta leh u soo jeedin lahaa, waa ogayn oo dalkeennii Soomaaliya waa joogaa , inkasta oo dawladnimadii ciriiri gashay , haddana waxaad moodaa in wali la dadaalayo sidii wax uun loo dhisan lahaa, waxaa kale oo iyana fiican in la milicsado in dadkii soomaaliyeed ee soo arkay dawladnimo , maamul iyo kala dambayn in hadda laga batay oo waxaa ka batay dad dhallinyaro ah oo aan arag wax dawlad la yiraahdo, aan arag nidaam shaqaynaya, tusaalaha ugu fudud aan arag taraafiko shaqaynaysa oo gaarina joojinaya , mid kalana fasaxaya, cajiib!!!!.
Haddaba maqaalkan aan doortay , waxaan ula jeedaa ninkii waayahaas arkay maantana jooga ,waxa uu is oran karaa malaha adaa waalane aakhiro iyo adduun kale oo waa hore la tirtiray ayaad ka sheekaynaysaa , waxaan xasuustaa haybadii qaranimo ee aan lahayn , waxan xasuustaa sidii waddanku u horumareyey , waxaan xasustaa sidii waddanku ugu dadaalayey inay isku fillaansho gaaro, waxaan xasuustaa jaamacadihii iyo shaqooyinkii badnaa iyo firfircoonidii waddanka ka muuqatay , waxaan xasuustaa yoolkii la higsanayey , waxaan xasuustaa sidii waddanka loogu heelanaa in la maal gashado , waxaan xasuustaa wax soo saarkii waddanka iyo sidii magaalada Muqdisho u ahayd magaalo nolol jaban oo qof walba ku noolaan karo, waxaa kaloo lagu tiring jiray waayahaas magaalada Muqdisho magaalooyinka ugu bilicda san uguna amniga badan dhanka qaaradda Afrika.
Ka rog oo laba saar, waxaa dhacay wax aan marna maanta laga sheekayn Karin , waxaa dhacay wax lagu suureeyo qiyaame yar oo ku habsaday ummadii Soomaali la oran jiray , waxaa la soo cunay oo maalinba mid la shitay goboladii iyo magaalooinkii waddanka, waxaa soo hadhay gebagabadii caasimadii Soomaaliya , waa Muqdisho , waxay ahayd magaalo siraadan, oo nuuraysa , wax ma-garadkii soo weeraray waxay bilaabeen in dadkii magalada degenaa la laayo , hantidoodii sida guryaha, gawaarida , lacagta , dahabka iyo waxii mood iyo nool ah lala wareego , waa cajiib !!!!!! .
Waddankii waa lagu kala qaxay , waxaa la kala aaday bari iyo galbeed (mashriq iyo maqrib) ,waa lakala finiinay , waana lakala irdhoobay , waxaan soo xasuustay gabay uu ka tiriyey Allaha u naxariistee Abshir Bacadle waxii mooryantii iyo diiratadii xamar ka dhigeen , waxaa ku jiray hal bayd oo ah “ Hala dumiyo mooyee wali daaya maan maqal”, waa la is waayey waxaa ka dhacday magaaladii xamar nin waloow naftaa , nabiyoow ummaddaa, wali markaan soo xasuusto waxaan dhahaa ,taasi waxay ahayd wax mar la ina tusay oo aan soo noqonayn , waxaa kale oo lagu suurayn karaa nin mar hore noolaa oo dhintay oo soo noolaaday oo la kulmay ummad uusan fahmayn , lana muuqaal ah, iskuna aragti ahayn , balse wadaaga magaca banii’aadam.
Haddaba ujeedkaygu waxa weeye , inaan iftiimiyo dadkii waxay noqdeen dulmiye iyo dulmane, kii dulmiga sameeey ee dhigay taariikhdaas madow, ee dadka laayey , ee guryahoodii,beerahoodii iyo hantidoodii dhacay , walibana dil ugu daray , haddii waxas oo dhan oo foolxumo ah uu sameeyey ,isaga oo leh waxaan ahay reer –hebel , waxaana ka aarsanayaa reer-hebel, haddii arrinkaas foosha xun aad samaysay dulmiyoow ,wali ma ku soo dhacday maskaxdaada inaad dadkii aad ka gashay dulmigaas aad la kulantid, oo aad haddii aad aakhiro iyo adduun dambe rajo aad ka qabtid , aad waxii hanta ah ee aad ka haysid aad u celisid, waxii dulmi aad ka gashay aad waydiisatid cafis , inaad naftaada aakhiro u danaysid oo aad ka xalaalowdid waxii xumaa ee aad adduunka dushisa ku samaysay , waa yaabka yaabkii e , dadbaa wali arrintaas sideedii u haysta ,oo moodaya hantida ama guryaha ama beeraha ay dhaceen ee wali qaarkood haysto inay tahay qaniimo gaalo laga helay, waxaan u naseexayn lahaa dulmiilowgaas oo aan oran lahaa , waxaa dambaysa maalin la is waydiin doono , xoolaha aad haystay xaggee ka keentay, ma xalaal bay ahaayen mise xaraam , xageesa ku bixisay ? su’aalo adag ayaa ka horreeya dhammmaan bani’aadamka , kii dulmi galayna isagu waa ka sii daranyahay xagga su’aasha ,haddii ay ku caddaato inuu dad islaameed dulmay oo xoolohoodii xalaashaday , maalintaas ilaahay agtiis waji uma yaallaan aan ka ahayn in la tiimbiyo naar daran oo dad iyo dhagax looga dhigayo shidaal lagu huriyo .
Gabagabo:
Waxaan oran lahaa Soomaaliyeey haddii caqli iyo maskax shaqaynayso ,waxaa la rabaa in dib la isugu noqdo , oo qof walba naftiiisa xisaabiuyo inta aan la xisaabin, oo yiraahdo maxaa xagaaga ku maqan naf iyo maal intaba, dabadeedna raadiyaa waddadii uu uga xalaaloobi lahaa, waxaan dhihi lahaa arrinkaas waxaa qayb libaax ka qaadan kara isimada , nabadoonada , culimada iyo wax-garadka kale , laakiin haddii lakala aamuso oo nina nin wax u sheegay , taas waxaa loo fasiran karaa inaan waxba dhicin, haddaba gunaanadkii maqaalkayga waxaan ku soo goyn lahaa , haddii aynaan is indha-tirayn , nin waliba waa ogyahay kii wax gaystay iyo kii loo gaystay , balse intaan nafta yar laysugu imaan , waxaan oran lahaa war soomaaliyeey aan kala xaq baxnno , oo kii wax ka maqanyihiin waxiisa ha loo celiyo , oo kii wax tabanaya halaga shaafiyo waxa uu tabanayo , oo kii la tuhunsanyahay ha iska beri yeelo tuhunkaas . sidaas waxaa ku dhismi karta bulsho caafimaad qabta oo isu laab-xaaran , taas ayaa horseedi karta in ay dhacdo dib u heshiisiin caam oo ka taaba qaadda waddanka oo dhan, war ma waxan ka liidannaa South Africa iyo Rwanda oo ka heshiyey dhabar-jabkii ka dhacay siyaasadii midab-takoorka iyo xasuuqii 1994 , ee bal aan arrimaheenna hoos u fiirinno, oo aan is xisaabinno inta aan la ina xisaabin ( waa hadalkii iyo dardaarkii khaliifkii caadilka ahaa ee Cumar Binu-khadhaab, ilaahay haka raalli noqdee).
Mahadsanidin.
Wabillaahi towfiiq:
W/qoray:
C/qaadir C/khadar Nuur, Email: Abdulkadir.nuur@gmail.com
Tel; 00252-90-794010 Puntland, Somalia.