Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Ra’iisul W. DF ee Soomaaliya Ayaa Khudbad Dheer Ka Jeediyey Golaha Baarlamaanka Puntland Kormeerna Ku Tagay Xarumo Kala Duwan (Faah-faahin + Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo waftigii uu hogaaminayey oo maalintii labaad booqasho ku joogo maamul gobleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu booqasho ku soo kala bixiyey xarumo kala duwan, sida Wasaaradaha Cadaaladda, Caafimaadka, Xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo Madaxtooyada Cusub oo dhismaheedu marayo heer gaba gabo ah.

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, isagoona aad uga hadlay Ahmiyada ay leedahay wada jirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoona xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujiyo loo xaliyo si hoose.

Daawo Sawiro badan

Raiisal wasaaraha oo baarlamaanka Puntland ka qudbeeyey booqdayna goobo kale DSC05100 - Copy DSC05101 - Copy DSC05106 - Copy DSC05109 DSC05115 DSC05124 DSC05129 DSC05131 DSC05135 IMG_3344 IMG_3349 IMG_3362 IMG_3367 IMG_3369 IMG_3370 IMG_3378 IMG_3407 IMG_3423 IMG_3426 IMG_3434 IMG_3447 IMG_3470 IMG_3471

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo hadal qaaday arimaha Federaalka isagoona tilamaamay in Puntland ay mudan tahay in looga daydo sida ay u xasiliso arimaheeda gudaha iyo sdii ay udub dhaxaad ugu noqon lahayd sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa nidaam ku salaysan federaalisam, Puntland dhankeedana looga baahan yahay in ay muujiso sidii Soomaaliyada cusub ugu noqon lahayd tusaale fiican marka laga hadlayo arimaha maamul wanaaga.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ku aamany Maamulka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhabar adaygeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa KMG.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay cunaqabtayta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna yiri. ”Guul ayeey u tahay dhamaan umadda Soomaaliyeed, hadiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u cadaynaynaa in siyaasada dowladu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo qaranimada Soomaaliya.”

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay ku dadaalan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen siyaasada ku dhisan dimuqraadiyada, loona baahan yahay in la muujiyo dulqaad waqtiga loo gudbayo dhismaha maamul ay dadku soo doortaan, ayn amumiih tahay in lagu xaliyo khilaaf kasta oo yimaada wada hadal.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdi Zamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah ku soo kala bixiyeye qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo Xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee puntland oo dhisme balaaran ka socdo.

Isha Warkan : xafiiska raiisal wasaaraha

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>