Muqdisho: (pp)- Mudanayaasha Baarlamanka Soomaalia ayaa ku baaqey in difaac Adag loo sameeyo saxafiyiinta Sooomaaliyeed ee ka hawl-gala gudaha wadanka , kuwaas oo saameyn xoogan ku yeesheen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo.
Kalfadhigii baarlamanka Dowlada Federaalku ku yeesheen maalintii shalay magaalada Muqdisho ayaa xillibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil uu kaga dalbadey Dowlada Somalia , Maamulada ka jirra gudaha wadanka iyo qeybaha bulshada inay difaac suxufiyiintu ka helaan.
Mudane Xoosh ayaa cambaareeyey dilkii ugu danbeeyey ee Muqdisho loogu geystey maalin ka hor Alle ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka howl-gali jirrey Raadiyaha iyo TV-ga Dowlada.
Waxaana gabo gabadii fadhiga baarlamanka uu gudoomiyaha baarlamanku ka dalbadey Guddiga Warfaafinta iyo Xuquuqul insaanka ee Baarlamanka Somalia inay kasoo arrinsadaan qaabka Dowladu u difaaci kareyso Suxufiyiinta.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.