Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ayaa maanta furey ololaha maalmaha talaalka caruurta oo ka bilaabmey deegaanada Puntland.
Munaasabad maanta lagu qabtey xarunta wasaarada caafimaadka magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeyb galey Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Puntland,Wakiilo ka socdey hay,addaha Unicef ,WHO,Ardeyda dhigata caafimaadka, iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan bulshada.
Daahfurka barnaamijkan ayaa looga faa,iideysan doonaa talaalka cudurada kala ah
Gawracatada,Kojiyaha,Xiiq dheerta iyo talaalka cudurada soo kordhey ee maskax garaadka,oof wareenka iyo cagaarshowga.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka C/risaaq Xirsi Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey talaalkan ka bilowday deegaanada Puntland, wuxuuna sheegey in wasaarada caafimaadku sanadihii lasoo dhaafey ku mashquulsaneyd dhameystirka dhowr qodob oo kala ah.
Siyaasada caafimaadka Puntland.
Siyaasada Daawooyinka Puntland.
Siyaasada fayo dhowrka Puntland.
C/risaaq ayaa sheegey in dhamaan qodobadaasi la dhameystirey sanadkii lasoo dhaafey islamarkaana ay jiraan qorshayaal cusub oo lagu hormarinayo caafimaadka Puntland oo sanadka soo socda wasaaradu hir galin doonto.
Munaasabad oo aheyd mid ay soo camireen qeybo kala duwan oo ka tirsan martidii kasoo qeyb gashey ayaa lagu soo bandhigey fariimo ku saabsan talaalida ubadka soo koraya , kuwaas oo fariimo loogu direy waalidiintu inay uga faa,iideeyaan caruurtooda.
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hadalka soo xirey ayaa sheegey in Puntland horumarin caafimaad oo kala duwan laga fuliyey , islamarkaana wuxuu ka hadley madaxweynuhu ahmiyada uu u leeyahay talaalku ubadka soo koraya.
Mudane Faroole waxa uu sheegey in ay tahay kala duwanaansho weyn marka loo eego taariikho horre sida caafimaadku uu ahaan jirrey, wuxuuna fariin u direy faroole dhamaan bahda caafimaadku inay kordhiyaan xirfadahooda.
Gabo gabadii munaasabada ayuu Madaxweynuhu wuxuu xariga ka jarey qeybta keyda daawooyinka Puntland oo laga hirgaliyey wasaarada caafimaadka xarunteeda Garowe.
Waxaana xarunta loogu talo galey keydka daawooyinka Puntland dhex-yiilay agabyo caafimaad oo loogu diyaariyey isbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee Dowladu maamusho oo ay u noqon doonto keyd.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.