Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaarada Deegaanka iyo UNDP oo kormeer ku sameeyey mashruuca Biyo xireenka Dangorayo

$
0
0

1Garowe-(Puntlandpost) Wafti isugujira Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland iyo Barnaamijka hormarinta ee Qaramada Midoobey UNDP ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal gaar ahaana Mashruuca biyo xireenka Bicilka oo kuyaala duleedka magaaladam Dangorayo laga wado kaasoo qayb ka ah mashaariicda badbaada deegaanka ah oo ay ku howlantahay Wasaarada Deegaanka ee dawlada Puntland.

Waftigaan oo uu hogaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaarada Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cali (Bogcad) ayaa waxaa sidoo kale kamid ah madax katirsan hay;adda UNDP, Maamulka degmada Dangorayo iyo wasaarada Deegaanka dawlada Puntland waxayna tageen Biyo xireenka laga wado halkaas oo shaqo badan laga qabta islamarkaasna la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo dhisma biyo xireenka oo looga gol leeyahay in laga hortago xaalufka deegaanka, hakinta biyaha khasaara ee daadku qaadaan iyo yaraynta biyo la’aanta ka jirta deegaankaas oo la filayo marka Biyo-xireenka Bilcilku uu si rasmi ah u howlgalo in dadka iyo duunyaduba ka faa’iidaysan doonaan.

Booqashada Waftiga ayaa sidoo kale loola dan lahaa in la xaqiijiyo loona kuurgalo dhismaha biyo xireenka shaqadiisu socoto waxaana sidoo kale loola jeeday in la dhiirigeliyo lana dardargeliyo shaqada ay wasaaradu kawado degmada iyo guud ahaanba gobolada kale ee dalka.

Waftigu markay soo dhamaysteen Kormeerkooda waxay xafiiska maamulka Degmada kula kulmeen saraakiisha dawlada iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada Dangorayo iyagoona kawada hadlay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka dhanka deegaanka ka jira, ka warqabka xaalada dadka iyo usii diyaargarowga abaaraha ka jira deegaanka waxaana sidoo kale laga wada hadlay xaalada cimilada oo sii adkaanaysa taasoo ay keentay isbedelka cimilada aduunka oo sii xumaanaysa, shirka ayaa dhanka kale looga hadlay sidii maamulka Dangorayo looga caawin lahaa helitaanka xafiisyada shaqada iyo xarun ay wasaaradu ku yeelato deegaankaas oo lasamayn doono iyadoona dhamaan arimahas la isku afgartay.
3(1)

4

5(1)
Puntlandpost.com

The post Wasaarada Deegaanka iyo UNDP oo kormeer ku sameeyey mashruuca Biyo xireenka Dangorayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>