Bosaso-(Puntlandpost) Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta ka qayb galay kulan looga hadlayo baahiyaha iyo caqabadaha hor taagan dhalinyaradda Gobalka Bari, waxaaana Kulankan oo Labo maalmood ahaa soo qabanqaabiyey Dallada Dhalinyarada ee MUDAN oo kaashaneysa Hay’adda Mercycrop /USIAD.
Afhayeenka Baarlamaanka Puntland,Xildhibaan Cabdi Barre, siyaasiyiin iyo mamulka degmada Bosaso ayaa sidoo kale kulanka kasoo qayb galay kuwaasoo hadal u jeediyay dhalinyaradda oo ragg iyo dumar isagu jiray.
Dhalinyaradda waxay soo saareen lix qodob o ay ku tilmaameen inay caqabad tahay kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqo la’aan, tahriibka,muqaadaraadka iyo ka qayb gal la’aanta arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen inay xaq u lee yihiin in fursado la siiyo si ay mamulka dalka qayb uga noqdaan.
Cabdiweli Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dooda dhalinyaradda ku dhexmartay magalada Bosaso, waxa kale uu sheegay inay yihiin mustaqbalka maanta oo aysan ahayn kan berito.
Axmed ayaa tilmaamay in dhalinyaraddu dowr wanaagsan ka ciyaari karaan siyaasada dalka ayna muhiim tahay inay dowrkooda helaan, wuxuuna sheegay inuu mar kasta diyaar u yihiin la shaqaynta dhalinyaradda.
Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi ayaa dhalinyarada kula dardaarmay inay xooga saaraan luuqada Soomaaliga taasoo ah mida ay dadka Soomaaliyeed gaarka u lee yihiin, sidoo kale waxa uu uga digay falalka tahriibka iyo amni xumida wuxuna muujiyay inay mar kasta diyaar u yihiin in dhalinyaradda fursadooda la siiyo laguna dhiiri galiyo inay dalkooda ka shaqaystaan oo aaminaan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso
The post RW.hore oo ka qayb galay kulan looga hadlayay baahiyaha dhalinyaradda Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.