Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kulan ku saabsan tayaynta shaqaalaha dowladda Puntland oo Garowe lagu qabtay

$
0
0

Garowe-(Puntlandpost)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtay kulan ku saabsan tayaynta shaqaalaha dowladda iyo qaabka loo kala saarayo dadka soo codsaday shaqooyin 60 gaaraya oo dowladda Puntland dhawaan xayaysiisay.

Kulanka maanta waxaa joogay agaasimayaal matalayay 9 hay’adood oo Bankiga Adduunku kataageerayo dhinacyada dhaqaalaha iyo tayaynta shaqaalaha, waxaana lasoo bandhigay 20 hab oo lagu kala xuli doono codsadayaasha.

Kala xulista dadkaasi waxaa loo xilsaaray hay’adda shaqaalaha rayidka ah, waxaana taageeraya hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo Geopolicity Coorporation, waxaana wakiil kasocday oo lagu magacaabo Better uu sheegay inuu leeyahay khibrad gaaraysa 25 sano, barnaamijkanna uu yahay mid ay isla wadaan xukuumadda Puntland.

Agaasimaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid Shacab ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahan qayb kayahay tayaynta shaqaalaha dowladda Puntland, wuxuuna xusay inay kacaawinayso Bangiga Adduunka.

Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Puntland iyo xubno kasocda dowladda ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu wafaqsanyahay xeerka shaqaalaha dowladda wuxuuna tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu tayaynayo shaqaalaha Puntland.

Arrintan ayaa timi kadib markii Bangiga Addunku taageero soconaysa 5 sano siiyay xukuumadda Puntland, waxaana taasi keentay in tayay iyo dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha hay’adaha dowliga ah.

Puntlandpost.com

 

IMG_0059 IMG_0060 IMG_0063 IMG_0064 IMG_0065 IMG_0066 IMG_0067 IMG_0068 IMG_0072 IMG_0075 IMG_0076 IMG_0077 IMG_0079 IMG_0080 IMG_0081 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0089 IMG_0091 IMG_0092 IMG_0097 IMG_0101 IMG_0103


The post Kulan ku saabsan tayaynta shaqaalaha dowladda Puntland oo Garowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>