Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro+Cod:Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran oo Kismaayo ka furmay

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 14-Jan-2016 magaalada Kismaayo kaga qayb galay shirweynaha Madashasha wadatashiga Qaran ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qayb qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha Dawladda Jubbaland, Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed,  Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug, Xildhibaanada labada gole ee Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Dawladda Jubbaland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha shirka ayaa ugu horraynba uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Jubb-land Axmed Maxamed Islaan iyo guud ahaanba shacab weynaha reer Jubbaland oo dhabarka u ritey culayska marti gelinta shirweynaha wada tashiga Qaran ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay doorka ay Dawladda Puntland ka qaadatay sidii loo soo celin lahaa hannaankii dawladnimo ee dalku lahaan jirey iyo sidii loo mideyn lahaa shacbiweynaha soomaaliyeed eek ala irdoobey.

“Dawladda Puntland waxay door muhim ah kaqaatay dib usoo celintii dawlad soomaaliyeed, waxayna u taagantahay midnimada shacabka soomaaliyeed iyo in lahelo dawlad dhab ah oo ku dhisan caddaalad, islamar ahaantaasna ka dhabaysa himilada ummadda soomaaliyeed ay u qabto dawladnimo rasmi ah”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale madasha ka xusay aragtida shacabka reer Puntland ee ku aadan hannaanka doorashooyinka 2016-ka taas oo ku qotonta in golaha wakiillada lagu soo xulo hab Deegaan.

“Puntland waxa ay hore u sheegtay, kuna adkaysanaysaa mawqifkeeda ku aadan in doorashada 2016-ka lagu saleeyo hab DEEGAAN, iyadoo la dhawrayo xuquuqda Dastuuriga ah ee dadka laga tirade badan yahay iyo Haweenka” sidaasi waxaa yiri Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale hoggaamiyayaashii kasoo qaybgalay madasha u sheegay in lasoo gaadhey waqtigii la xurmayn lahaa rabitaanka shacabka shacabka soomaaliyeed kaas oo ku qotoma sidii loo heli lahaa isbedel dhab ah oo waddanka kadhaca.

Madaxweynaha Dalwadda Puntland ayaa sidoo kale ka digey in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga beelaha ee 4.5 kaas oo hore u soo ragaadiyey ummadda soomaaliyeed.

“Puntland waxay ka digeysaa in aan dib loogu noqon hannaankii wax qaybsiga qabiil oo ummadda Soomaaliyeed hore u soo diloodey”ayu yiri madaxweyne Gaas.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Dawladda Puntland marwalba diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxda Soomaalida kamira-dhalinta hannaanka dawlad soomaaliyeed oo leh matalaad dhab ah iyo caddaalad, dalkana gaadhsiin karta dawladnimo loo dhan yahay.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Halkan ka dhegeyso Khudbaddii Madaxweynah


IMG_8888 IMG_8891 IMG_8896 IMG_8920 IMG_8937 IMG_8941 IMG_8943 IMG_8951 IMG_8962 IMG_8972 IMG_8978 IMG_8984 IMG_8990 IMG_8994 IMG_9004 IMG_9021 IMG_9022 IMG_9033 IMG_9036 IMG_9040 IMG_9045 IMG_9046 IMG_9055 IMG_9063 IMG_9064 IMG_9068 IMG_9071 IMG_9074 IMG_9077 IMG_9079 IMG_9084 IMG_9086 IMG_9087 IMG_9088 IMG_9092 IMG_9112 IMG_9124 IMG_9128 IMG_9131 IMG_9135 IMG_9139 IMG_9140 IMG_9145 IMG_9148 IMG_9154 IMG_9163 IMG_9166 IMG_9180 IMG_9188 IMG_9197 IMG_9211 IMG_9213 IMG_9221

The post Warbixin+Sawirro+Cod:Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran oo Kismaayo ka furmay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>