Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Alshabaab oo sheegtay inay la wareegtay saldhig ku yaal Ceel-cadde

$
0
0

Muqdisho-(Puntlandpost)-Saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde oo 550 KM ujirta Muqdisho waxaa weererku ku qaaday dagaalyano ka tirsan UrurKa Alshabaab.

Deegaanka uu ku yaal Saldhigu oo xadka Kenya iyo Soomaaliya ku yaal,waxay Alshabaab weerarkeeda ku bilowday gaari lagu soo xiray walxa qarxa isagoo gudaha ugalay Xerada.

Waxaan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay weerarka,balse afhayeenka dhinaca howlgalada Alshabaab Cabdcasis Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka dileen 50 Askari, ayna la wareegeen Saldhiga,Dhanka dowladda iyo Saraakiisha AMISOM wali kama aysan hadlin weerarka.

Weerarka Alshabaab ku qaaday xerada ciidamada AMISOM ee Kenya ayaa ah kii ugu horeeyey oo Saldhigyada ciidamada Kenya lagu qaado,balse sanadkii hore Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig ay ku jiraan Ciidamada burundi iyo Uganda oo qayb ka ah howlgalada AMISOM, inkastoo AMISOM beenisay in saldhiga lagala wareegay.

Puntlandpost.com.

The post Alshabaab oo sheegtay inay la wareegtay saldhig ku yaal Ceel-cadde appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>