Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland kismaayo kaga qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa 15-Jan-2016 magaalada Kismaayo kaga qayb qalay munaasabad lagu soo dhoweynayey madaxda soomaalida ee kismaayo u joogta shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha  Dawladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha Dawladda Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamulada kumeel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed iyo Galmudug iyo xubno kasocda labada gole ee Dawladda Federaalka ah iyo Dawladaha Xubnaha ka ah iyo dadweyne kale.

Munaasabadda oo gun-dhiggeedu ahaa xoojinta iyo hoga –tusaalaynta midnimada soomaaliya iyo qiimaha ay leedahay Qarannimada soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay intii ay socotey Heeso iyo Riwaayado ka turjumaya midnimada iyo qiimeeheed iyo dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinkeeda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay riwaayado sawir kabixinaya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee uu soo maray dalku, kuwaas oo isugu  jirey colaadihii sokeeye, kooxo-diimeedyadii, tahriibtii, burcad-badeedkii iyo boobkii lagu sameeyey badaha Soomaaliya.

Geba-gebadii munaasibaddu waxay kusoo idlaatay jawi wanaagsa iyo dar-daaran loo jeediyey madaxdii kasoo qayb gashay kaas oo ku qotomey siday uga shaqayn lahaayeen mideynta ummadda soomaaliyeed iyo siday u muujin lahaayeen isu-tanaasul  si loo helo qarannimo soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKAA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_9247 IMG_9261 IMG_9266 IMG_9281 IMG_9290 IMG_9294 IMG_9319 IMG_9329 IMG_9332 IMG_9334 IMG_9336 IMG_9346 IMG_9350 IMG_9366 IMG_9383 IMG_9386 IMG_9392 IMG_9396 IMG_9401 IMG_9414 IMG_9420 IMG_9425 IMG_9428 IMG_9431 IMG_9432 IMG_9436 IMG_9458 IMG_9465 IMG_9487 IMG_9491 IMG_9504 IMG_9526 IMG_9563 IMG_9564 IMG_9584 IMG_9603 IMG_9618 IMG_9628 IMG_9631 IMG_9645 IMG_9646 IMG_9664 IMG_9687 IMG_9732 IMG_9753 IMG_9784 IMG_9816

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland kismaayo kaga qayb galay munaasabad soo dhoweyn ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>