Addis Ababa: (pp)- Raiisal wasaaraha DF ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, isagoo sheegay in sababta ay ula baxayaan ciidamadooda ay ugu wacan tahay daahitaanka ka imaanaya dhanka Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Soomaaliya oo la doonayey in ay la wareegaan fariisimaha ciidamada Ethiopia ay kaga sugan yihiin koonfurta Soomaaliya.
Raiisal wasaaraha ayaan sheegin waqti cayiman oo taariikhaysan oo ay ciidamada Ethiopia ay kaga baxayaan Soomaaliya, laakiinse sheegay in si deg deg ah ay ciidamada Ethiopia uga baxayaan Soomaaliya.
Dadka siyaasada Soomaaliya ka faalooda ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya is fahan waa u dhaxeeya darteed ay Ethiopia ugala baxayso ciidamadeeda deegaanada koonfureed ee Soomaaliya, arrinkaas oo dhabarjab ku ah DF ee Soomaaliya , hadii Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya siiba qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Deegaanada Bay bakool & Gedo.
Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiopia