Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Shiikh oo Kismaayo ka dhoofaya iyo warmurtiyeedkii shirka oo la soo saarayo

$
0
0

Kismaayo (Puntland Post) — Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa goor dhow ka duulaya garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo, iyadoona aragtiyo kala duwani ay weli kasoo baxayan inuu fashil ku dhammaadey wada hadalkii madaxda Soomaalida u socday maalmihii lasoo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda Puntland oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in goor dhow lasoo saari doono war-murtiyeed lagu sheegayo waxyaabihii shirka looga wada hadley taasoo dadku ay sugayaan qodobada lagu heshiiyay noocay ay yihiin.

Warar madax baanan ayaa tilmaamaya inay jirto qodobo lagu kala aragti duwanaanadey oo laga tagay markii xal loo waayay, mana cade ilaa iyo hada waddada lagu wajahayo doorashada 2016.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku dhagan in doorashada lagu saleeyo deegaan halka dowladda dhexe,Galmudug iyo Koonfur galbeed ku taagan yihiin in doorashada hab qabiil 4.5 lagu wajayo.

Mamuladda Gal-Mudug iyo Koonfur Galbeed waxay isku raaceen in aqalka sare lagu saleeyo soo xulistooda odayaasha hab deegaan oo mamulada ah lagan tago 18-kii gobal sida dastuurku qabo, qodobkaasi ay isku raaceen labadasi mamul waxaa ka aragti duwan DFS oo qabta in aqalka sare lagu saleeyo 18-kii gobal.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku raacay in aqalka sare lagu soo xulo 18-kii gobal,aqalka hoosena lagu saleeyo deegaan 3-meelood labo meel halka meesha kalena laga dhigo 4.5. balse qodobkaasi waxaa ka aragti duwan DFS oo qabta in aqalka hoose lagu saleeyo nidaamka qabiilka 4.5, kaasoo hor looga wada heshiiyay.

Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa marka uu khudbadda ka jeediyo munaasibadda war-murtiyeedka lagu shaacinayo u duulaya magalada Muqdisho, waxaana sii joogaya RW, iyo Afhayeenka Baarlamaanka.

Puntlandpost.com

The post Xasan Shiikh oo Kismaayo ka dhoofaya iyo warmurtiyeedkii shirka oo la soo saarayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>