Garowe-(Puntlandpost)- Tuulada war-gaduud oo hoostagta degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal waxaa laga dhisay xarun caafimaad markii ugu horaysay.
Dhismaha xarunta waxa dhistay Ha’yadda World Vision, munaasabada xariga looga jarayey waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka Puntland, Ha’yadaha World Vision, Unicef iyo gudoomiyaha degmada Godob-jiraan.
Shacabka tuulada iyo maamulka degmada Godob-jiraan ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey, iyagoo sheegay in baahi loo qabay dhanka caafimaadka ay ka caawin doonto, waxayna u mahadceliyeen Ha’yadda World Vision oo xarunta dhistay.
Gudoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yusuf Maxamed Farax oo tuulada War-gaduud oo hoostagto ayaa sheegay in xaruntu ay ka baahi bixin doonto adeegyada caafimaadka oo shacabka deegaanku ay ku liitaan.
Xarunta Caafimaad ee laga dhisay tuulada War-Gaduud ayaa ah markii ugu horaysay oo xarun caafimaad laga dhiso tuulada,waxayna dadka deegaanadaasi in badan ka cowdeen adeega caafimaadka oo ku liita.
Sawirro.






Puntlandpost.com.
The post tuulada War-Gaduud oo laga dhisay xarun Caafimaad appeared first on Puntland Post.