Qardho-(Puntlandpost) Dalxiisayaal u dhalatay dalka Jarmalka ayaa booqasho dalxiis u yimi deegaanada Puntland, iyadoona ay tani qayb ka tahay horumarka laga gaaray xagga duulimaadka iyo hir galinta garoon diyaaradeed oo heer caalami ah.
Ajaanibuu ku wajahnaa Gobalka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho, halkaasoo ay kula kulmeen mamulka degma,waxay booqdeen saldhiga magalada oo wax ka badan 70-sano dhisan sido kale waxaa qado loogu sameeyay magalada, waxayna aad usoo dhaweeyeen tan oo kasoo degay garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa dalxiiskooda waxa meelihii ay booqdeen.
Imaanshaha dalxiisayaashan ajaanibta ah ayaa qayb ka ah barnaamijka Dalnuurshe oo baraha bulshada iyo mareegaha Soomaalida lagu baahiyo, kaasoo qaybtiisii ugu horeysan gaaray deegaanka Cal-madow ee Gobalka Sanaag.
Dalxiisayaashan waxaa hoggaaminayay gudoomiyihii hore ee Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, wuxuna sheegay Puntland inay ku yaalaan dhul taariikhi ah.
Puntlandpost.com
The post Ajaanib u dhalatay wadanka Jarmalka oo dalxiis u yimi Puntland appeared first on Puntland Post.