Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Odayaasha Beledweyne oo ka hor yimi mamulka lagu dhisayo Jowhar

$
0
0

Beledweyne-(Puntlandpost) Qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka gobalka Hiiraan ayaa ka hor yimi shirka mamulka loogu samaynayo Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ee ka socda magalada Jowhar.

Odayaasha oo ku shiray Beledweyne ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn sida wax loo wadao, waxa kale ay sheegen in balan ay wada galeen madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha gudaha waxba ka fulin isla markasa balantii looga baxay.

Shirka Jowhar oo uu furay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ayay sheegeen inuu yahay mid sharci daro ah ayna kasoo horjeedaan.

Dhismaha shirka mamulka loogu samaynayo Hiiraan iyo Shabeeladaha ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyay bishaan dhamaadkeeda.

Puntlandpost.com

The post Odayaasha Beledweyne oo ka hor yimi mamulka lagu dhisayo Jowhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>