Kismaayo-(Puntlandpost)- Shirkii Kismaayo uga socday madaxda Soomaalida ayaa la sheegaya in lagu heshiin la yahay go’aan rasmi ah oo doorashada lagu salaynayo sanadkaan.
Waxaana madaxdu ku kala aragti duwan yihiin labada qodob ee kala ah in degmooyinkii ka horeeyey bur burka laga soo xulo Xildhibaanada cusub iyo in Nidaamka 4.5ka lagu saleeyo.
Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah ayaa taageersan in habka degmooyinka lagu soo xulo Baarlamaanka, halka dowladda fadaraalka,Koonfur galbeed iyo Gal-mudug ay doonayaan in 4.5ka Xildhibaanada lagu soo doorto.
Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwan labada qodob, waxayna isku mari la yihiin qodobkii la qaadan lahaa,waxaase jira in horay loo soo saaray labo qodob oo kale kuwaas oo dhigaya in 4.5 doorashada lagu saleeyo iyo in dowladda hada talada haysa wakhtiga loogu daro mudo sanad ka badan,inkastoo beesha caalamku ay doonayso Soomaaliya in doorasho ka dhacdo.
Wararka aan Saaka ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in madaxdu ay beesha caalamku ku cadaadinayso inay go’aan soo saraan, islamarkaana aysan go’aan la’aan ku kala tagin.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaase isagu Jimcadii ka duulay Kismaayo, waxaa uuna wakiishay Ra’iisul wasaare Cumar,warar hoose oo aan shaac sanayn oo Siyaasiyiin ku sugan Kismaayo ay noo sheegeen ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxdu isla qaadato in aqalka sare lagu soo xulo hab deegaan,halka aqalka hoosana lagu salayn doono 4.5ka.
Walise ma cada go’aanka madaxdu isla qaadan doonaan,waxaana jirta kala aragti duwanaan fog, inkasto ay cadaadis kala kulmayaan beesha caalamka.
Puntlandpost.com.
The post Shirkii Kismaayo oo lagu heshiin layahay iyo warar hoose oo soo baxaya appeared first on Puntland Post.