Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamada Soomaaliland oo qabsaday deegaanka Balli-cad

$
0
0

Buuhoodle-(Puntlandpost)-Degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn waxaa shalay ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo Soomaaliland, kadib markii ciidamada Soomaaliland qabsadeen deegaanka Balli-cad oo xarun u ahayd maamulka la magac baxay Khaatumo.

Dad isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay bartamada Buuhoodle,waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan Ciidamada Soomaaliland.

Banaanbaxayaasha waxaa ku jiray Waxgarad iyo Saraakiil waxayna Shacabka u sheegeen inay muujiyaan dareenkooda ah siday udiidan yihiin ciidamada Soomaaliland, iyagoo faray inay ka hortagaan Soomaaliland.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka la magac baxay Khaatumo Maxamuud Sh. Cumar Xassan [Surayo] ayaa banaanbaxay ka yiri””Diyaar ayaanu u nahay duullaan kasta oo ay Soomaali-diidku nagu qaadaan, waana is-naqaan, wixii horey uga raacayna waa garanayaan.”

Deegaanka Balli-cad sida la sheegay marka Soomaaliland qabsanayso waxaa shir ku lahaa maamulka Khaatumo,deegaanada kale ee Widhwidh, iyo Qori-lugud oo sadexda jiho kaga beegan Buuhoodle waxaa haysta sida aan warka ku helayno Ciidamada Soomaaliland.

Puntlandpost.com.

The post Ciidamada Soomaaliland oo qabsaday deegaanka Balli-cad appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>