Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas oo goordhow kasoo tagi doona Bosaso

$
0
0

Bosaso-(Puntlandpost)- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwlai Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kasoo tagi doona garoonka magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari.

Gaas iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland oo uu kasoo qayb galay Shirkii Madasha wada-tashiga Qaran ee looga hadlayey doorashada sanadkan,isagoo kuso dhamaaday is afgarad la’aan.

Shir kale oo lagu go’aamin doono doorashada ayaa loo balamay magaalada Muqdisho in lagu qabto,mana jirto wax natiijo ah oo shirki Kismaayo ay madaxdu isla gaareen.

Warar hoose aya shalay Subaxnimadii soo baxayey kuwaas oo sheegayey in doorashada laga yaabo in lagu saleeyo in aqal sare lagu soo dooran doono deegaanka kan hoosana 4.5,Shirka lagu qaban doono Muqdisho ayaan la garanayn xiliga sida rasmiga ah loo qaban doono.

Puntlandpost.com.

The post Madaxweyne Gaas oo goordhow kasoo tagi doona Bosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>