Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Suudaan oo laga furay Shaybaarka dambi baarista bariga iyo bartamaha Africa

$
0
0

Khartuum-(PuntlandPost) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay ka qaybgalay furitaanka shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir uu xariga ka jaray Xaruntan.

Furitaanka xaruntan oo ay goob joog ahaayeen Mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sudan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo dhigiisa Sudan, Taliyaha Booliska Caalamiga Interpol ee Africa iyo Saraakiil ka socotay Dambibaarista Sudan iyo Dowlado kale.

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo furay xarunta ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay bulshada ku nool bariga iyo bartamaha Afrika.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa booqday xarumaha Dambi baarista Dalka Sudan qaybahooda kala duwan sida xarunta Baarista Kiisaska dambiilayaasha Xarunta Baaritaanada Hubka Xarunta Baaritaanada Mukhaadaraadka iyo Xarumo kale.

Xaruntan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee Ciidanka Interpol ay ka furtaan dalka Sudan, iyadoo lagu baari doono dambiyada heer gobol ee bartamaha iyo bariga Africa.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Xaruntan ay soo dhaweynayaan ayna aheyd mid laga maarmaan ah loona baahanyahay in layska kaashado sidii loo xasilin lahaa Qaarada Africa.

BH0A0353

BH0A0356

BH0A0417

BH0A0447

BH0A0448

BH0A0450

BH0A0458

BH0A0479

BH0A0480

BH0A0491

BH0A0508

BH0A0551

BH0A0575

BH0A0611
Puntlandpost.com

The post Suudaan oo laga furay Shaybaarka dambi baarista bariga iyo bartamaha Africa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>