Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW Cumar Cabdirashiid oo ka qayb galay kulan looga hadlayey Fadaraalka

$
0
0

Muqdisho-(Puntlandpost)-Ra’iiusl wasaaraha dowladda fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayey Fadaraalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa sido kale ka qayb galay wasiirka arrimaha dastuurka,guddiyada Dastuurka ee Barlamanka iyo kan madaxa banan ee hirgalinta iyo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Ra’iisul wasaare Cumar oo shir gudoominayey kulanka waxaa warbixino laga dhagaystay aqoonyahano Soomaaliyeed oo dowladda ka caawin doono nooca fadaraalka ee Soomaaliya laga hirgalin karo.

Wasiirka arrimaha dastuurka Xuseen Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in kulankan looga hadlayo fadaraalka Dalka laga hirgalinkaro, waxaa uuna sheegay waxyaabaha kasoo baxa in talo laga siin doono maamul goboleedyada dalka.

Dastuurka KMG ayaa larabaa in lagu muujiyo awooda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo hada aan si cad u qeexnayn iyo sida loo qaybsanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Puntlandpost.com.

The post RW Cumar Cabdirashiid oo ka qayb galay kulan looga hadlayey Fadaraalka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>