Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir lagu soo xulayo baarlamaanka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo maanta ka furmaya Jawhar

$
0
0

Jawhar-(Puntlandpost)-Magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka furmaya wajigii labaad ee Shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Shirka la filayo inuu furmo maanta ayaa lagu soo xuli doona baarlamaanka maamulku uu yaalanayo,waxaana shirka lays kugu gayn doona Odayaasha beelaha daga labada gobolka,iyagoo ka hadli doona hab ay usoo xuli doonaan Xildhibaanada iyo sida ay beeluhu u qayb sanayaan.

Xubno ka socda dowladda fadaraalka ayaa kusugan Jawhar kuwaas oo goob joog u ahaan doona Shirka,waxaana magaalada kusugan Wasiirka arimha gudaha dowladda fadaralka Cabdiraxmaan Odaywaa oo shalay galinkii dambe Jawhar gaaray.

Wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya in saxiixayashii Maamulka Jawhar iyo Baladweyne xalay ay wada qaateen kulan ay uga hadleen sida loo soo xuli karo Xildhibaanada iyo qaabka beeluhu u qayb san karaan,Inkastoo kulamadaasi wax natiijo ah kasoo bixin.

Sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo Odayaasha iyo waxgaradka labada gobol ay Jawhar ku yeesheen,waxaana wali lasoo bandhigin tirada Ergada ka qayb galaysa Shirka.

Magaalada Jawhar ayaa laga dareemaya Shirarka ka socda iyo wafuuda kusoo qul qulaysa,waxayna Shacabku ku mash quulsan yihiin maamulka la dhisayo,hadal haynta ugu weyn ee maalmahan ka socotay Jawhar ayaa ahayd maamulka cusub,dowladda fadaraalka ayaa adkaysay amaanka magaalada.

Puntlandpost.com.

The post Shir lagu soo xulayo baarlamaanka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo maanta ka furmaya Jawhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>