Garowe-(Puntlandpost) Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya, mudane Cabdiweli Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin qayb ka ah madasha midnimadda iyo dimoqraadiyadda ayaa maanta oo Tallaado ah magalada Garowe kula kulmay madaxda Machadka horumarinta iyo falanqaynta cilmi baarista SIDRA, iyadoona uu kulankaasi ka dhacay xaruntooda.
Ugu horeyn waxaa xarunta SIDRA wafdiga Cabdiweli Shiikh Axmed kusoo dhaweeyay Agaasimaha Machadka Guuleed Saalax Barre,isbarasho ka dib Guuleed ayaa ka waramay machadka iyo sababta loo aasasey, wuxuna sheegay mudadii uu jiray xafiiskan inuu soo saarey labo cilmi baaris oo ay mida ka hadlaya nooca doorashada ee Soomaaliya 2016.
Barre waxa kale uu ka waramay himiladda loo yagleelay mac-hadkan, wuxuna tilmaamay inay guud ahaan Soomaaliya ka shaqeeyaan cilmi baaristii ay sameeyeene dadka ku nool magaalooyinka dalka qaarkood laga qayb galiyay oo ay aragtidooda ka dhiibteen.
Cabdiraxmaan Baadiyow,Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ahaa wafdiga RW.hore ayaa dhankooda sheegey inay aad ugu faraxsan yihiin machadkan iyo shaqada uu dalka ka hayo waxay talooyin ku aadan shaqada machadka u gudbiyen mamulka.
Cabdiweli Shiikh Axmed oo hadda gudoomiye u ah madasha midnimadda iyo dimoqraadiyadda socodka ku marayay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka Mac-hadkan SIDRA waxa kale uu masuulkani sheegay inay garab istaagayaan oo ay la shaqayn doonaan, sidoo kale Cabdiweli Shiikh ayaa sheegay in doorasho dalka ka dhici karto haddii loo howl galo sidii loogu talo galay, waxa uu meesha ka saaray suurta galnimadda inay doorasho dalka dib uga dhacdo waqtigii loogu talo galay.
Mac-hadka SIDRA oo sanadkii hore lagu daah-furay magalada Garowe ayaa wado dadaalo uu dadka kaga qayb galinayo arrimaha siyaasada, dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasada iyo arrimaha horumarka.
Puntlandpost.com
The post Ra’iisul Wasaarihii hore Somalia oo la kulmay madaxda Machadka Soomaaliyeed ee SIDRA appeared first on Puntland Post.