Garowe – (Puntland Post) – Tan iyo markii uu burbur ku soo dhamaaday wadatashigii madaxda Soomaalida uga socday magaalada Kismaayo, ayaa waxaa soo baxaya aragtiyo kala duwan oo iftiimanaya halka uu ku jiro go’aanka ugu danbeeyay ee doorashada 2016 lagu hagayo.
Telefeshinka Somali Channel ayaa aragti ka aruuriyay qaar ka mid ah shacabka magalada Garowe iyo siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowladda dhexe sida Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed iyo dad kale oo magac leh.
Siyaasiyiinta hadlay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin inuu fashil kusoo dhamaado shirkii Kismaayo waxayna muujiyeen inay muhiim tahay in cadaalada laga shaqeeyo, wasiirkii hore Caafimaadka Soomaaliya Cali Maxamuud Xareed ayaa tilmaamay inaan wax siyaasiyiin ah shirka Kismaayo laga qayb galin.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay talada in la dhaafiyay Baarlamaanka ayna ogaayeen inuusan waxba kasoo bixi karin shirka Kismaayo, wuxuna dhaliilay hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale aragtida dadka ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya meel xun ku socoto haddii aan hadda go’aan deg deg ah la gaarin isla markasna lagu tumanayo dastuurka dalka.
Daawo
The post Xildhibaan Cabdi Barre ”Soomaaliya maanta waxay ku socotaa haadaan daloosha” appeared first on Puntland Post.