Garowe-(PuntlandPost) Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adda daryeelka bulshadda ayaa booqasho ugu tagay qaar ka mid ah dadka naafada ee ku nool kaamka barakacayaasha Allaa-wakiil ee magalada Garowe.
Masuuliyiintan ayaa u guur galay xaaladooda oo aad u liidata, waxayna dowladda, hay’addaha iyo dadka hantida haystaa ugu baaqeen in qoysaskan naafada ah soo caawiyaan kuwaasoo aan helin daryeel wanaagsan.
Gudoomiyaha Haweenka Khadro Warsame ayaa tilmaamtay inay muhiim tahay in la soo caawiyo dadkan naafada ah oo isagu jira, ragg, dumar iyo carruur waxayna sidoo kale sheegtay inuu ILLAAHAY ku eegayo qaluubta dadkiisa Soomaaliyeed.
Shukri Maxamed Ciise, waa gudoomiyaha dadka naafada ah ee kaamkan waxay sheegtay dadkani inaysan haysan hoy wanaagsan iyo daryeel waxayna dowadda iyo hay’addaha ka codsaday inay soo caawiyeen oo qaar ka mid ah dadkan xaaladooda wax ka qabtaan.
Xaalada naafadda kaamka barakacayaasha ayaa ah mid aad u liidata, mana helin siday noo sheegeen daryaal waxayna weli codsanayaan in la garab istaago, qaar ka mid ah hooyooyinka haysta carruurta naafada ayaa tilmaamaya in haddii dhaqaale loo helo xaalada carruurtooda wax laga qaban karo.
Puntlandpost.com
The post Gudoomiyaha ururka Haweenka Puntland oo ku baaqday in la caawiyo dadka naafada ah appeared first on Puntland Post.