Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xuska soo dhaweynta markii la qoray Afka-Somalia oo Muqdisho ka socota

$
0
0

Muqdisho-(PuntlandPost) Dabaal-dega xuska 43-guuradii kasoo wareegtay markii afka-Somaliga la qoray ayaa weli ka socota magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoona lagu wado maalinta beri (Khamiis) in lasoo afmeero munaasibadaasi.

Maalmahan ayaa waxaa laga dareemayay dalka xuska maalintaasi oo ku beegan 21-ka Janaayo, waxana ay tahay mid qof kasta oo Soomaali ah uu gaarkiisa ugu faraxsan yahay in maalintaasi la xuso si qiimaha afkeena kor ugu kaco.

Wasiirka waxbarashada DFS, Khadro Bashiir Cali ayaa sheegtay inay muhiim tahay hay’addaha dowladda iyo madaxduba inay isticmaalaan afkeena Soomaaliga laga iska dhaafo afafka kale ee lagu addeegsado xafiis-yadda dowladda.
Khadro Bashiir waxay ku baaqdey in qof kasta oo Soomaali ah xil iska saaro horumarinta afka-kiisa, kaasoo marxalado kala duwan soo maray iyadoona ay xitaa gaartay in la isku qabsado.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horay uga qayb galay dibad-bax maalinta Afka la qoray lagu muujinayo ayaa kaga dhawaaqay inay mamnuuc tahay boorarka afafka kale lagu qoro oo lagu dhajiyo goobaha ganacsiga, wuxuna sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan cidii addeegsato boorar aan farta Soomaaliga lagu qorin.

Dowladdii kacaanka ee Siyaad Barre ayaa dadaal u gashay qorista Af-Somaliga, kaasoo markii la baahinayay la gaarsiiyay meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, hase yeeshee dadka inta badan ka faallooda qorista Afkeena Soomaaliga ayaa sheegaya inuu sii dabar go’ayo haddii aan laga ilaalin erayada weerarka kusoo qaadaya afka ee dadku addeeg sanayaan.

Puntlandpost.com

The post Xuska soo dhaweynta markii la qoray Afka-Somalia oo Muqdisho ka socota appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>